Laba dal oo Muslim ah oo isla soo saaraya musalsal ka sheekaynaya halyeey Muslim ah oo ay Galbeedku aad u neceb yihiin

0

(Hadalsame) 29 Okt 2021 – Pakistan iyo Turkey ayaa soo wada saaraya musalsal looga hadlayo taariikhdii halyeeygii Muslimka ahaa ee Salah ad-Din Ayyubi, oo ay reer Galbeedku u yaqaanaan Saladin.

Ilaa 10,000 oo codsi ayaa laga diiwaan geliyey dalka Pakistan kaasoo ka yimid dad doonaya in ay ka qayb qaataan musalsalkan taariikhiga ah.

Film soo saaraha Turkishka ah e Emre Konuk, oo ah ninka leh Akli Film, ayaa sheegay in musalsalku uu durba xiise badan abuuray sida ka muuqata codsiyada ay dadku ku doonayaan inay ka qayb galaan.

Konuk, oo Pakistan booqasho ku jooga ayaa sheegay in musalsalkan ay isla soo saarayaan labada dal.

Konuk ayaa sidoo kale sheegay in uu xitaa arrintan u guuxey RW Imran Khan iyo sidoo kale dad ka tirsan sineemada iyo dhaqanka Pakistan.

Salaaxudiin Al Ayuubi waa ninkii dunida Muslimka gaar ahaan Quddus ka difaacey duullaankii Mucatab ku Dirirka ahaa ee reer Yurub dhamaadkii Qarnigii 11aad ee Miilaadiga.

Hadalsame Media