Haddii aad wadato mid ka mid ah telefoonnadan ma isticmaali kartid Whatsup Isniinta kaddib (Iska baro noocyadooda)

0

(Hadalsame) 29 Okt 2021 – WhatsApp oo ka mid ah fariin-walayaasha ugu degdegta badan dunida, ayaa la sheegayaa in aan lagu isticmaali kari doonin telefoonnada yara gabowga noqday ee ku shaqeeya barnaamij howleedyada ee hoos taga Android iyo iOS.

WhatsApp ayaa faafiyey liiska noocyada telefoonnadaasi oo aan app-kan ku shaqayn kari doonin wixii loo gaaro 1-da Nofeembar 2021 oo ku beegan Isniinta soo aaddan.

Haddaba, haddii aad haysato telefoon adeegsada Android 4.1 oo aan xitaa kicin karin Android 4.1 Jelly Bean oo soo baxay 2011-kii ama iPhone oo ku shaqeeya iOS waa inaad meesha ka kacdaa.

Taxa ay soo saartay qaybta taageerada WhatsApp ayaa waxaa ka mid ah ku dhowaad dhamaanba shirkadaha sameeya telefoonnada xarragaysan sida Apple, Samsung, LG, ZTE, Huawei, Sony iyo Alcatel. Halkan ka dheeho:

  • Apple Phones : iPhone SE, iPhone 6S, iyo iPhone 6S Plus
  • Samsung Phones: Samsung Galaxy Trend Lite, Galaxy Trend II, Galaxy SII, Galaxy S3 mini, Galaxy Xcover 2, Galaxy Core iyo Galaxy Ace 2
  • LG Phones: Lucid 2, LG Optimus F7, LG Optimus F5, Optimus L3 II Dual, Optimus L5, Optimus L5 II, Optimus L5 Dual, Optimus L3 II, Optimus L7, Optimus L7 II Dual, Optimus L7 II, Optimus F6, Enact, Optimus L4 II Dual, Optimus F3, Optimus L4 II, Optimus L2 II, Optimus Nitro HD, 4X HD iyo Optimus F3Q
  • ZTE Phones: ZTE Grand S Flex, ZTE V956, Grand X Quad V987 iyo ZTE Grand Memo
  • Huawei Phones: Ascend G740, Ascend Mate, Ascend D Quad XL, Ascend D1 Quad XL, Ascend P1 S, iyo Ascend D2
  • Sony Phones: Xperia Miro, Sony Xperia Neo L iyo Xperia Arc S

Waxaa kale oo ka mid ah Alcatel, HTC, Lenovo, iyo qaar kale. Guud ahaan waa 43 nooc.

Hadalsame Media