Ciidanka Uganda oo Somalia keensaday dayuurado dagaal & dhib ay hadda kahor kala kulmeen + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Okt 2021 – Ciidamada Uganda ee Somalia uga howlgala magaca AMISOM ayaa keensaday dayuurado dagaal.

Ciidamada Uganda ayaa keensaday dayuuradaha qumaatiga u kaca gaar ahaan nooca Maraykanku sameeyo ee kusoo caan baxday dagaalkii Vietnam ee Huey.

Dayuuradahan ayay ciidanka cirka dalkaasi sheegeen inay gacan siinayaan ciidanka Uganda ee Somalia ku sugan ee UPDF.

UPDF ayaa haatan muquuranaya fadeexad ka dhalatay dad rayid ah oo ay ku laayeen meel u dhow Golwayn ee dalka Somalia oo haatan ay maxkamadi uga socoto.

Uganda ayaa hadda kahor Somalia usoo dirtay dayuurado noocan oo kale ah 2012-kii, balse waxaa lagu waayey hawada Kenya waxaana markii dambe raqdooda laga helay buurta MT Kenya.

Hadalsame Media