Walaac hor leh oo soo food saaray ganacsatada Soomaalida ah ee ku sugan dalka Turkiga

0

(Hadalsame) 27 Okt 2021 – Ganacsiyada ay dadka Soomaalida ahi ka samaysanayaan dalka Turkiga ayaa muddooyinkii u danbeeyey ahaa mid sii kobcaya, iyada oo dhanka kalena ay si badanayeen dalxiisayaasha Soomaalida ah ee delkaasi booqanaya.

Haddaba maalmihii ugu danbeeyey waxaa Soomaalida ganacsiga ku leh dalkaasi soo food saaray walaac ku aadan dhanka arrimaha sharciga iyagoo tiro meherado ganacsi ah la xidhay, halka dadkii ka shaqaynayeyna xabsiga loo taxaabay, qaarkoodna lasoo masaafuriyey.

Nasteexo Cilmi Wehliye waxa ay ka mid tahay ganacsata goobahooda la xidhay ee dhibbanaha u noqday shuruucda ganacsiga dalkaasi.

“Sababta waxaan is leeyahay sharciyo badan oo markii hore annaga aannaan ogayn, Soomaalida waad ogtahay oo waa dad u ganacsi jecel, markii waddanka aannu nimi dad xoogaa naga soo horreeyey waxay noo sheegeen in dal fiican oo aan walaalo nahay uu yahay, markaa si baan ugu niyad samayn oo waxaanu islahayn fursad baa jirtee ka faaiidaysta maadaam dalkii lagu soo qulqulayo” ayay Nasteexo u sheegtay BBC-da oo ay la hadashay.

Xaafadda lagu magacaabo Kizilay, oo ku taal badhtamaha magaalada Ankara ayaa noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya.

Waxaana goobtaasi laga furay, meheradi ganacsi gaar ahaan, meelo wax laga cuno, goobaha dharka, xawaalado, timojarayaal iyo goobo kale oo kala duwan.

Warbaahinta Turkiga ayaa aad uga hadashay ganacsiga sii bullaalaya ee Soomaalida, iyaga oo ku qeexay in qaar ka mid ah waddooyinkii ganacsi ee dalkaas ay isu rogayaan ‘magaalo yar oo ay Soomaalidu leedahay’.

“Waannu isasoo uruursannay oo meel badhtanka ah ayaannnu ganacasiyadadii isugu keenay, markaa indhahoodiina waa na qabteen oo markaas ayay hoos noo sii eegeen” ayay tidhi Nasteexo ganavci ku leh goobtaasi.

Maxaa lagu haystaa Soomaalida?

.

XIGASHADA SAWIRKA,ALAMY

Ganacsiga Soomaalida ee dalkaasi ka furan gaar ahaan caasimadda Ankara, ayaa badankooda lagu haystaa in ay jebiyeen shuruucdii ganacsi ee dalkaasi u taallay, hadday ahaan lahayd qaadashada ruqsadaha iyo u hoggaansanka xeer hoosaad qofka ajnebiga ee ganacsi ka samaysanaya dalka Turkiga.

Nasteexo oo mar kale ka hadlaysa ayaa sheegtay in aanay markii hore sii baadhbaadhin shuruuc dalkaas, isla mar ahaan taana ay iska furteen uun ganacsiyo kolkii ay arkeen fursadda waddanka taalla.

“Sharciyada markii aan sii baadhbaadhnay waxaa ka mid ah, in aad saami bixiso oo qof turkey ah uu kula yeesho iyo inaad ugu yaraan shan qof oo Turki ah shaqaalaysiiso, markaa waxyaabahaas oo dhan maannaan ogayn”

Bishii Sebtembar, dhacdo argagax ku beertay dadkaas, dhowr qof oo Soomaali ganacsi ku lahaa xaafaddaas ayaa la xidhay halka qaarkooda la amray in la masaafuriyo, taasoo ku qasabtay inay iibiyaan ganacsigooda ama ay gebi ahaanba xidhaan.

Dhanka kale hadda waxa Turkiga dhexdiisa hab-dhaqan ku salaysan shaki iyo nacayb oo ku aaddan qaxootiga dalkaas, kaas oo martigeliya ku dhawaad shan milyan oo qaxooti ah, oo badi ka yimid Suuriya.

Bilihii la soo dhaafay, mucaaradka Turkiga ayaa bilaabay inay sii huriyaan olole ka dhan ah dowladda oo ku guuldareystay inay soo saaraan xeelado qaxooti oo macno leh oo aan ahayn “siyaasadda xuduudaha furan”.

Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed iyo qaar badan oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka Turkiga ayaa ah in Soomaalida ay u badan yihiin dad aqoon sare leh oo si sharci ah ku yimid Turkiga, sida ay sheegayso warbixin lagu daabacay wargayska Middle East Eye.

Ku dhawaad dhamaantood waxay haystaan sharciyo degen

Waxaad se mooddaa in qulqulkii baaxadda lahaa ee Soomaalidu muddooyinkii u danbeeyey ay sida habqlaha ah u tageen dalka Turkiga uu haddo dhalayo natiijo ka duwan tii ay filayeen.

Dalka Turkiga ayaa tobankii sano ee u danbeeyey ahaa saaxiib dhaw oo ay leedahay Soomaaliya, iyada oo madaxweynaha dalkaas Erdogan uu booqdayba magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Turkiga ayaa deeq waxbarasho siiya ardayda Soomaalida.

Falcelinta Soomaalida

Sida uu daabacay wargayska Middle East Eye, Soomaalida hadda waxa ay ku dhaqaaqday ficilo falcelin ah oo ay isku dayayaan in ay ku baajiyaan dhibaatooyinka ay ka wajahayaan dhanka sharciga, wuxuuna wargayska soo xiganayaa abukaate lagu magacaabo Tayyip Erken oo metelaya ganacsiyo Soomaali leedahay.

Waxa uu sheegay abukaatahan in dacwado ay garsoorka u gudbisteen Soomaalida.

Maxamed Ciise Cabdullaahi waxa uu ka midyahay dadka wax ku bartay dalka Turkiga, sida sharciga ah u degen dalkaas, islamarkaasna haysta ganacsiyo sharci ah. Wuxuu sheegay in la xiray, dhawr habeena uu xabsiga ku jiray sida uu kasoo xigtay wargeyskan. Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in iyaga oo sharciyo rasmi ah haysta in la isku dayo in la tarxiilo.

Isha: BBC

Hadalsame Media

Facebook Comments