Saxaafadda caalamka oo aad u hadal haysa gabar HIBO gaar ah leh oo Muqdisho ku sugan + Sawirro

0

(Muqdisho) 27 Okt 2021 – Warqaadka British Herald ayaa sheeko dheer ka qoray gabar dhallinyaro ah oo Muqdisho ka bilowday farshaxan dad badan soo jiitey oo muujinaya hibo ay la yarayd sida ay muujisay.

Gabadhan oo 21-jir ah ayaa la yiraahdaa Sana Ashraf Sharif Muhsin waxayna ku nooshahay ”burburka gurigooda oo ku dumey dagaalladii sokeeye ee Muqdisho” (waa sida ay wax u qoraan saxaafadda Galbeedku marka ka warramayaan dunida 3-aade).

Wuxuu qoraalku intaa raacinayaa in shaqadan farshaxanku ay Somalia ka tahay mid ragga uun ay ku xooggan yihiin, sida uu sheegay Abdi Mohamed Shu’ayb, oo ah professor farshaxanka ka dhiga Somali National University, isagoo sheegay in gabadhani ay ka mid tahay 2 dumar ah oo uu yaqaan oo farshaxanka sameeya (tan kale waxay joogtaa Somaliland).

Sana oo sidoo kale barata injineeriyadda madaniga ah, ayaa sawirka bilowday iyada oo 8-jir ah, iyadoo ku joogta raadkii adeerkeed Abdikarim Osman Addow, oo ahaa farshaxaniiste la yaqaan, sida ay tiri.

“Dhuxul ayaan gurigeenna oo idil ku sawiri jirey markii aan yaraa.” ayay tiri Sana oo sheegtay inay cadaadis kala kulanto jiritaan la’aanta gabdho ku jira mihnadda farshaxanka.

Hadalsame Media