Maxaadan war & wacaalba u haynin oo ka soconaya min Balli-doogle ilaa Xalane?!!

0

(Hadalsame) 27 Okt 2021 – Xalane, Jasiira, ilaa la gu fogaado saldhigga ciidamada Ballidoogle waxaa fadhiya rag caddaan ah oo ay u gu tun weyn yihiin Maraykan iyo Ingiriis.

Dhulka intaa baaxad la’eg la ma yaqaan shisheeyaha jooga tiradooda, cidaha ay ka la yihiin, noocyadooda hawleed, shaqooyinka ay qabtaan iyo ujeeddadooda dhabta ah.

Waxa keliya ee la og yahay waa in ay aad u badan yihiin qolooyin ka la duwanna ka kooban yihiin:

  • In ay iyagu u taliyaan ciidamada Amisom ee dhulka Soomaalida jooga.
  • In ay dalka oo dhan siiba Muqdisho ka fuliyaan hawlgallo aanay cidna u ga amar qaadan cidna ogaysiin.
  • In iyaga iyo Shabaab wada joogaan gobolka Shabeellaha Hoose oo dhan.
  • In ay garoonka Ballidoogle ka soo dajiyaan kana raraan badeecado aan waxa ay yihiin la aqoon.
  • Iyo in aan madaxda iyo dawladda Soomaalidu dhulkaa marnaba gali karin dadka jooga iyo hawlaha ka socdana waxba ka ogayn.

Wiilashaa caddaanka ahi kolka ay dabbaalasho ka dib hilib dhaylo ah iyo kalluun daray ah xeebta Jasiira ku soshaan, ee dhalooyin Bacardi ah iyo Biir qabow furtaan, ee heeso macaan sameecad hallaasi ah ka shitaan, waxa qudha ee ay ku maadsadaan ee qosol ka dhigtaan waa doqonnimada Soomaalida.

I ga rumayso.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan oo qura.

Hadalsame Media