Machad ka mid ah kuwa ugu waawayn ee amaanka falanqeeya oo sheegay tillaabo ay qaadayso beesha caalamka haddii ay Kenya diiddo go’aanka ICJ

0

(Hadalsame) 27 Okt 2021 – Mahcadka ka mid ah kuwa ugu waawayn Afrika ee arrimaha amaanka falanqeeya ee South Africa saldhigta (Institute for Security Studies (ISS), ayaa iftiimiyey arrimo uu u arko inay xigayaan haddii ay Kenya sii waddo diidmada go’aanka ICJ.

Wuxuu ISS sheegay in ay dhici karto in ay labada dal ugu yaraan isku raacaan ka wada hadalka ”aag horumarineed” oo ah meelaha la isku haysto si kalsooni loo dhiso, balse taas Somalia diyaar uma aha, halka ay Kenya sheegtay inaysan aqoonsanayn go’aanka ICJ.

ISS ayaa tillaabada ugu muhiimsan ku sheegtay in ay “beesha caalamku cadaadis saari karto Kenya, weliba daaha gadaashiisa, si ay u khasabto go’aankan si aysan u wiiqin xeerarka muhimka ah ee u degsan Xeerka Badda.”

Si kastaba, Kenya ayaa haatan lafteeda qaadatay qayb ka tirsan dhul-badeedka Somalia oo ay maxkamaddu u siisay si aan waafaqsanayn xeerka badaha sida uu sheegay sharciyaqaanka Cabdiqawi oo ka mid ah isla garsoorka ICJ.

Hadalsame Media