Labada qof ee Ole Gunnar Solskjaer weli Man United kusii haya oo la magacaabay (Taageerayaasha oo caraysan)

0

(Manchester) 27 Okt 2021 – Macallinka dabka ku taagan ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa taageero ka helay halyeeyga kooxdaasi ee Sir Alex Ferguson iyo Guddoomiye Xigeenka dhanka fulinta Ed Woodward, xilli uu wajahayo cadaadis ba’an.

Ferguson ayaa shalay booqday xerada tababarka United ee Carrington xilli uu Solskjaer doonayo inuu isu ururiyo kooxdii ku kala firdhatay madaafiicdii Liverpool oo Axaddii 5-0 laqsiisay.

Yeelkeede, go’aanka kama dambaynta ah ee ku aaddan aayaha macallinkan ee kooxda Man U ayaa se mar kasta la yaalla La-guddoomiye Joel Glazer, oo ah madaxa milkiilayaasha Maraykanka ah ee naadiga.

Ferguson ayaa rumaysan in Solskjaer la siiyo waqti ku filan oo uu fasal-ciyaareedka ku badbaadiyo, kaasoo ka bilaabmaya kulanka uu Sabtiga u martin doono Tottenham, sida uu dhigayo The Guardian.

Hadalsame Media

Facebook Comments