FADEEXAD: Kooxaha Juventus & SSC Napoli oo xisaabo culus lagu haysto & laacibiinta la xusay

0

(Roma) 27 Okt 2021 – Fadeexad cusub oo dhul-gariir oo kale ah ayaa ka socota Serie A: gaar ahaan sida ay raasumaalkooda u kala xisaabeen kooxaha Juventus iyo SSC Napoli muddo 2 sanadood ah oo ku beegan 2019-ilaa 2021.

Guddiga Kormeerka Naadiyada Kubadda Cagta (COVISOC) oo arrintan dabagal ayaa haattan dacwad gaarsiiyey Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud, sida lagu qoray La Repubblica, waxaa sidoo kale dacwad la gaarsiiyey dacwad oogaha Xiriirka Giuseppe Chinè iyo Guddoonka Xiriirka Gravina si loo baaro arrintan, waxaanay labada kooxi ku jiraan halis wayn.

Getty Images

Waxaa Bianconeri loo haystaa iibka Franco Tongya iyo Marley Aké oo ay is dhaafsadeen Juve iyo Marseille, kuwaasoo haatan ka kala dheela Serie C-da Talyaaniga & heerka 4-aad ee Faransiiska.

Waxaa kale oo Juventus lagula dheggan yahay ilaa 42 wax is dhaafsi oo ay ku lug leeyihiin 21 laacib, kuwaasoo lagu kala dishey lacag dhan 90 milyan oo euro, kuwaasoo xisaabaha qaar la cayiliyey markii la xisaabayey kharashaadka howleed ee sanadlaha ah, si loo kala xisaabo kharashaadka & dakhliga (balance sheet).

Juventus ayaa tusaale ahaan soo gudbisa xisaabo su’aalo keenaya sida: Audero 20 milyan oo euro, Cerri 10 milyan oo euro, Sturaro 18 milyan oo euro, Mandragora 20 milyan oo euro…Taasoo ka dhigan 68 milyan oo euro oo ay sheegeen inay ku heleen intaasoo laacib oo aysan qaarkood lacagtaas joogin.

Waxaa kale oo si gaar ah la iskugu haystaa is dhaafsigii Pjanic iyo Arthur iyo midka Manchester City iyo Juve ee la iskula bedeshey Cancelo iyo Danilo.

Dhanka Napoli waxaa indhaha Covisoc soo jiitey sida ay ku keeneen qannaaska Osimhen. Waayo 4 laacib oo la sheegay in ay Lille ku aadeen 20 milyan oo euro, 3 ka mid ihi waxayba haatan kusoo laabteen Talyaaniga oo 2 ka mid ii waxay ka dheelaan Serie D iyo Serie C), halka midka Lille jooga aanu abid safanin.

Caqabadda ugu wayn ee Covisoc hor taalla ayaa se ah sida lagu go’aamin karo qiimaha laacibka, balse haatan kubaddu waxay ag taallaa Chinè. Waxaa horay 2018-kii loo baaray kooxaha AC Milan iyo Inter Milan.

Hadalsame Media