Dowladda Kenya oo qaadaysa tillaabo ay xal ugu raadinayso caqabadda Jaadlayda Kenya (Hindise cusub)

0

(Nairobi) 27 Okt 2021 – Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay xal ugu raadineyso dhibaatooyinka lasoo dersay ganacsatada jaadka ee dalkaasi oo ay dgibaato uga timid xayiraadda Jaadka ee Somalia.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fried Matiangi ayaa sheegay in dowladda ay la shaqeyneyso maamulka Meru oo ah goobta uu ka baxo jaadk si loo xalliyo caqabadaha lasoo dersay suuq geynta jaadka Kenya.

Sidoo kale guddiga dowladda ay u xil saartay arrintani ayaa eegi doonaa cilmi baarista dhanka seyniska eee lagu sameynayo saameynta jaadka uu ku yeelan karo caafimaadka, bulshada iyo dhaqaalaha.

Jaadka laga xayiray Kenya oo sidoo kale saameeyey ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa la fahamsan yahay in aan loo hakin dan qaran, balse ganacsato xiriir la leh madaxtooyada loo xirey layn cusub oo ah Jaadka loo yaqaan Hareeriga ee dalka Itoobiya oo haatan la keeno meelo ay ka mid tahay Muqdisho.

Hadalsame Media

Facebook Comments