”Somalia waa kansar faafaya oo ku yaalla amaanka Kenya!” – Saxaafadda Kenya oo hal arrin cabsi ka muujinaysa

0

(Hadalsame) 25 Okt 2021 – Wargayska The Star ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray sida Kenya ugu baahan tahay inay ilaaliso xadkeeda kusoo qaadatay arrinta dhul-badeedka ay Kenya sheeganayso ee haatan inta badan loo xugmiyey Somalia.

”Ma jiro wax ka wanaagsan oo lagu tilmaami karo marka laga reebo inay Somalia tahay feex faafto ah (kansar) oo ku taalla amaanka iyo madaxbannaanida Kenya.” ayuu lagu yiri qoraalka oo uu sameeyey Collins Ajuok.

Wuxuu deeto fasirayaa sababta uu sidaa u leeyahay, isagoo soo qaatay dagaalkii Shifta oo uu ku sheegay mid ay 1960meeyadii Somalia ku doonaysey is ballaarin.

Sanado badan kaddib waxaa Somalia kasoo duula kooxda argagixisada ah ee Shabaab, taasoo keentay inay Kenya ku duusho Somalia 2011, kaasoo loo bixiyey “Operation Linda Nchi”, ayuu qoray.

Wuxuu sheegay in ciidamada KDF ee Kenya ay ku sugan yihiin Somalia (halkan saxaafadda Kenya waxay u sawiraan sidii inay Somalia oo dhan joogaan iyagu amaankeedana sugaan), mana laha qorshe ka bixitaan oo quman, waloow aysan doonaynin inay halhaleel uga baxaan sidii uu Maraykanku ka sameeyey Afghanistan. ”Dagaalku se caddaan iyo madow ma aha,” ayuu raaciyey.

Wuxuu sheegay inay Kenya ula dhaqmi karto Somalia ”sida dal fashilmay” oo aan lahayn ciidan millateri oo iska kaaya dhicin kara, balse sidaasoo ay tahay aysan misna hubin waxa ay kala kulmi karaan gudaha Somalia haddii uu dhaco dagaal furan oo laba dal ah.

”Marka aad dagaal gasho adigu ma go’aamin kartid ciddii kula jiraysa ama kaa jiraysa. Waxaaba dhici karta in la isku waraysto biyaha Kenya oo la arki dalal waawayn oo Somalia lasoo safta.” ayuu ku doodayaa qoraagu isagoo soo qaatay wixii Sadaam Xuseen ka raacay duullaankii Kuwayt.

Hadalsame Media