WARBIXIN: Puntland oo maanta codaynaysa & warbixin ku saabsan qaab-dhismeedka doorashada + Sawirro

0

(Garoowe) 25 Okt 2021 – Dadwaynaha ku dhaqan degmo-goboleedyada Maamul-goboleedka Puntland ayaa saaka u dareeray doorashooyinka dowladaha hoose oo dhacaya qaab qof iyo cod ah markii ugu horreeysey muddo 50 sanadood ka badan.

Waxaa saaka la arkayaa dadwaynaha oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codaynta loo asteeyey iyagoo xiisaynaya inay codadkooda dhiibtaan, waxaana doorashooyinka usoo baxay dadwayne aad u fara badan.

Waxaa doorashadan ka qayb qaadanaya dhamaan dadka ku dhaqan degaannada ay ka dhacayso oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barakacay ee halkaa deggan oo leh wakiillo ay dooranayaan, waloow xalay midkood la afduubtay balse haatan lasii daayey.

Doorashooyinkan oo ay joogtaan dad indha-indhaynaya oo caalami iyo maxalliba iskugu jira, ayaa waxaa ay ka dhacayaan ilaa 54 xarun-doorasho, waxaana ku loollamaya ilaa 8 xisbi.

Tirada guud ee dadka codaynayaa waa 37,578 oo qofood kuwaasoo lagu garan doono kaararka codaynta ee loo qaybiyey dadkaasi oo faraha laga calaamayn doono kaddib marka ay codeeyaan.

Guud ahaan waxaa doorashooyinkan ka qayb qaadanaya 499 musharax ayaa isku haysta 87 kursi oo ah kuwa Golaha Deegaanka ee seddaxda magaalo ee aannu soo xusnay.

Waxay magaalooyinku kuraasida u kala leeyihiin sidatan:

  • Qardho waxaa lagu tartamayaa 33 Kursi
  • Ufayn waxaa lagu tartamayaa 27 kursi
  • Eyl waxaa lagu tartamayaa 27 kursi

Hadalsame Media