”Albayrak & Favori waxay dhacaan dakhligii Garoonka & Dekedda Muqdisho” – Warbixin dheer oo wax badan kashifaysa oo uu sameeyey Middle East Institute

0

(Muqdisho) 25 Okt 2021 – Machadka Bariga Dhexe ee Middle East Institute ayaa qoraal dheer oo uu ka sameeyey sida aanu caadil u ahayn ganacsiga Somalia & Turkiga ayaa wax ka qoray arrimo badan oo uu ku tilmaamayo inay muujinayaan inuu Turkigu ka faa’iidaysanayo Somalia.

Wuxuu soo qaatay waxyaabo badan, balse waxaannu eegaynaa qaybta uu kaga hadlayo dakhliga Dekedda & Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay laba shirkadood uu Turki ihi ay ku haystaan qandaraas aan dadwaynuhu wax xog ah ka haynin oo ku dhacay qaab aan daah-furnayn.

Tusaale, Albayrak Group oo haysta qandaraas 20-sanadood ah oo ay ku maamulayaan Dekedda, waxaa hareeyey muranno iyo fadeexooyin iskugu jira min mushaharooyin la lunsaday isku dayga qarin kufsi ilaa laaluush la siiyey wasiirro DF iyo in la cayiliyo kharashaad-howleedka ku baxa dekedda (taasoo dakhli badan ka luminaysa DF).

Markii ay dekedda la wareegayeen wuxuu dakhligu bishii ahaa 6 milyan oo doollar, waxayna markiiba gaarstey $10 ilaa $12 milyan bishii; yeelkeede, 2014-kii Albayrak Group waxay sheegtay lacag aan ka badnayn $2.7 milyan bishii.

Waxay taasi dakhligii DF ay halkaa ka heli jirtey oo 55% kusoo koobtay 16%, halka uu kordhay dakhligii shirkadda oo sharciyan ahaa 45% (oo awalba la fahmi karo inuu aad u badan yahay maadaama aysan shirkaddu waxba ku darsan dekedda marka laga reebo dhowr wiish oo ay soo iibsan karto Somalia), waxayna gaarsiisatey 84%, waa sida uu qorayo MEI.

Shirkaddani sidoo kale waxba kama qaban ballaarinta iyo casriyaynta dekedda, sida ay samaysay DP World oo la wareegtey Berbera.

Favori LLC 

Dhanka kale, Favori LLC, oo hoostagta Kozuva Group waxaa qandaraas 15-sanadood ah loogu wareejiyey Garoonka Aadan Cadde Juun 30, 2013-kii. Yeelkeede, Favori ayay warbixintu sheegaysaa inay ku tunteen tibixihii qandaraaska oo ay qaadaan kharashaad aan dow ahayn iyo dakhli loogu tala galay inuu aado dhanka hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah iyo Saadaasha Hawada (SCAMA).

Waxaa kale oo ay sameeyeen qaabab kale oo ay dakhli ku urursadaan kuwaasoo ay ku jiraan lacag laga qaado dayuuradaha dega, hagitaanka, meelaha la dhigayo, amaanka rakaabka, waxyaabaha qaboojinta u baahan, shidaalka iwm.

Sida ay sheegayaan khubarada duullimaadka iyo garoomadu, Favori sidoo kale waxay ku guuldarraysatay inay dhisto dhabbaha wayn ee garoonka oo gabow ah ballaarin iyo casriyayna u baahan, iyagoo boosaska muhimka ah ee garoonka u dhiiba dad aan Soomaali ahayn, sida ku dhigan qandaraaska.

Waxaa dheer, in shirkaddu ay hoteel qaali ah iyo dukaan laga adeegto ka dhisatay meel loogu tala galay inay gawaarida dhigtaan dadka garoonka imanaya, lamana yaqaan ilaa haatan sida loo maamulo dakhliga Decale Hotel, inuu yahay mid ay dakhli ku leedahay DF Somalia iyo inay u gacan bannaan tahay Favori LLC.

Marka laga yimaado warbixintan Middle East Institute oo loo baahan yahay inay ka jawaabto DF Somalia oo ay shacbigu xaq ugu leeyihiin inay si daah-furnaan ah ugu soo bandhigto waxa jira haddii ay lacalla warbixintani wax ka khaldan yihiin, misna warar hore ayaa xusayey in madaxda Soomaalidu ay arrimahan u wajahaan si shakhsi ah oo kii hadlaaba uu kaliya doonayo in isaga la qanciyo, laakiin aysan jirin cid u doodaysa dalka Somalia.

Halkan ka eeg warbixinta oo af Ingiriisi ah….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media