Turkiga oo matoor u helay taangiyada uu dhiso ee MBT Altay (Heshiis dhacay)

0

(Ankara) 24 Okt 2021 – Turkiga ayaa South Korea heshiis kula galay inay matoorrada u sameeyaan taangiyada uu isagu dhiso ee culus ee (MBT) Altay, sida ay qoreeyso saxaafadda Turkigu.

Waxaa warkan ku dhawaaqay Wasiir Dibadeedka Turkiga ee Mevlüt Çavuşoğlu, oo sheegay in Kuuriyada Kuunfureed ay jaal muhim ah kula yihiin dhanka gaashaandhigga.

Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriya, Kang Eun-ho, ayaa isna sheegay inay diyaar u yihiin inay matoorrada ku qalabeeyaan tawaangida Altay, mar uu heshiiska soo hadal qaaday kaddib markii uu dhiggiisa ku qaabiley dalkiisa 2 maalmood kahor.

Saxaafadda Turkiga ayaa horay u sheegtay in shirkadda BMC ee Turkiga ah ee taangiyadan dhistaa ay arrinta matiirrada kala heshiisey 2 shirkadood oo South Korean ah oo kala ah Doosan Infracore Co. iyo S&T Dynamics Co.

Turkey ayaa dhismaha taangiyadan bilaabay 2007-dii, balse waxay dhibaatadu ka haysatey matoorka culus ee ay u baahan yihiin, iyadoo ay dalal badan oo Midowga Yurub ihi u diideen.

Hadalsame Media