Dood kulul oo Somalia ku saabsan oo ka dhex socota dhallinyarada Hindiya & Pakistan

0

(Hadalsame) 24 Okt 2021 – Waxaa baraha bulshada ka socota dood dheer oo ka dhexeeysa Hindiya & Pakistan taasoo ka bilaabatay war uu nin qaab xifaalo ah ugu sheegayo inay Somalia 1 milyan oo doollar amaahisay dalka Pakistan oo amaah lacageed aad ugu baahan.

Somalia waxay USD 1 milyan oo doollar oo ay ku bixinayso dulsaar gaaraya 6% siinaysaa Pakistan, kaddib markii uu Sucuudigu u diidey dayn dheeraad ah isagoo tii horena ka dalbaday dhamaadka sanadkan.” ayuu ninkaasi soo qoray.

Waxaa kaddib bilaabatay dood iyo xifaalo kulul oo u dhaxaysa Hindida iyo Pakistan, iyadoo ay qaar badani sheegayaan in Pakistan ay u ”dhamaatay” haddiiba ay Somalia lacag ka qaateen.

Qaar baa soo sawiray Soomaali Hargaysa la fadhisa lacago kaash ah oo gaari gacanno lagu wado oo lagu sarrifayo suuqa.

Qaar kale, ayaa sheegay in Somalia ay tahay dal leh dad ganacsiga wax ka yaqaan isla markaana ku fiican sida lacagaha loo sameeyo.

Hoos ka arag doodda…

Hadalsame Media