”Malaayiin gini ayaa nooga baxday!” – Ingiriiska oo kashifay ciidamo booliis ah oo lacag badan looga cuno balse aan waxba qaban (Magacood?)

0

(London) 23 Okt 2021 – Xafiis Dibadeedka UK Foreign Office ayaa sheegay in ay £24 milyan oo gini tan iyo 2013-kii ku bixinayeen Somalia si ay ula sameeyaan unug hoos taga Ciidanka Booliiska oo qabta howl gaar ah oo argagixiso la dirir ah, sida ay sheegaan.

Waxay sheegeen inay maalgelinayeen ciidan ay Somalia ka sameeyeen oo la yiraahdo Goodir Unit kuwaasoo loogu tala galay inay ka hortagaan weerarrada ay Shabbaabku ka fliyaan Bariga Afrika, gaar ahaan Soomaalida haysata dhalashada British-ka ee laga keeno magaalooyinka London, Cardiff, Birmingham iyo Bristol.

Yeelkeede, waxay sheegeen in tiiyoo ay lacagtaa bixinayeen muddo 8 sanadood ah, in booliiska Somalia ay ku fashilmeen inay soo qabtaan ama soo sheegaan Soomaalida Ingiriiska ee arrimahan ku lugta leh, sida ku qoran dokumentiyo lagu qoray Declassified.

Dowladda UK ayaa ku khasbanaatay inay xogtan soo bandhigto kaddib markii laga codsaday inay soo bandhigto macluumaadka ku saabsan la dagaallanka argagixisada Somalia sida uu qabo xeerka madax bannaanida xogaha (freedom of information) oo dhigaya inay dowladdu shacbiga war ka siiso wixii ay ka dalbadaan.

Arrintan ayaa waxaa keenay dilkii Sir David Amess, kaasoo loo qabtay Ali Harbi Ali, oo uu dhalay siyaasi Soomaali, islamarkaana xag-jirnimo laga baarayo, waloow aysan weli wax huban haynin Scotland Yard oo sheegay in ay dhici karto in internet-ka lagu xag-jireeyey wiilka.

Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa sheegtay 2019-kii oo qura ay ciidamada Goodir siiyeen rasaas iyo gaashaannada muhimka ah ee baalistigga ah oo ku kacaya £81,000 oo gini, balse ma jirto cid xitaa maqasha meel ay ka shaqeeyaan ciidan Goodir la yiraahdo.

Ciidamadan oo warbixinta lagu sheegay in £646,000 oo gini lagu bixiyey tababarkooda oo qura 2017-kii, isla markaana ka kooban qayb deg deg u howlgasha, kuwa wax baara iwm, ayay Declasified sheegeen inaan wax natiijo ah laga haynin, iyagoo xusay in muddo kororsiga uu isku dayey MW Somalia kaddib Febraayo ay fursad sii siisay kooxda Shabaabka.

Hadalsame Media