Laba wasaaradood oo Aljeeriyaan ah oo joojiyey inay af Faransiis adeegsadaan (Wasaarad ay mar kasta mamnuuc ka ahayd inay Faransiis isticmaasho)

0

(Aljeeris) 23 Okt 2021 – Laba Wasiir oo Algerian ah ayaa go’aansaday inay gebi ahaanba u gooyaan luuqaddii isticmaarka Faranjiga iyagoo u wareegey afkooda Carabiga, xilli ay sii laxaadsanayso xiisadda ka dhex oogan labada dal, sida ay qortay Anadolu News Agency.

Khamiistii, Wasiirka Farsamada Gacanta & Tababarrada, Yassin Merapi, ayaa soo saaray wareegto uu shaqaalaha iyo howlwadeenka Wasaaradda ku farayo inay adeegsadaan af Carabiga oo joojiyaan Faransiiska.

Sidoo kale, Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha, Abdel Razzaq Sabbak, ayaa isna amray in af Carabi lagu isticmaalo arrimaha gudaha Wasaraadda wixii ka bilaabma bisha soo aaddan ee Nofeembar.

Caadiyan Wasaaradaha Aljeeriya oo idil ayaa si rasmi ah u adeegsada luuqadda Faransiiska, marka laga reebo Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi, tiiyoo ay Dastuurka dalkaasi dhigayo in Carabigu yahay afka rasmiga ah kaddibna uu xigo afka Amazigh ama Berber-ku.

Aljeeriya oo uu Faransiisku haystey 132 sanadood min 1830-1962-kii, ayaa ka carootey hadal uu xilligii gumaysiga ka sheegay MW Emmanuel Macron, iyagoo xitaa hawadooda ka mamnuucay dayuuradaha dagaalka ee Faransiiska 3-dii Oktoobar.

Hadalsame Media