Halkee iska qardoofeen Turkiga & Danjireyaasha reer Galbeedku (Muxuu se xaalku ku dambayn karaa?)

0

(Ankara) 23 Okt 2021 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay inuu Wasaarad Dibadeedka dalkiisa faray inay persona non grata u jaraan 10 danjire kaddib markii ay ku baaqeen in lasii daayo Osman Kavala.

Kavala, oo ah ganacsade Turkish ah ayaa xabsi ku jirey muddo 4 sanadood ah kaddib markii lagu eedeeyey inuu door ku lahaa dibedbaxyo 2013-kii ka dhacay Gezi Park iyo rabshado xigey.

Danjireyaasha ay arrintani khuseeyso oo kala metela dalal wada reer Galbeed ah ayaa ka kala socda Maraykanka, Canada, France, Finland, Denmark, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway iyo Sweden, kuwaasoo soo wada saaray war saxaafadeed wadajir ahaa oo ay ku dalbanayeen sii daynta Kavala.

Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa Talaadadii u yeertey danjireyaashan oo ay ku wargelisey inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Turkey-ga, gaar ahaan dhanka garsoorka maxalliga ah.

Turkiga ayaa sheegay in garsoorkoodu aanu u joojin doonin wax ay ku tilmaameen ”war qayrul mas’uulnimo ah” oo kasoo baxay danjireyaashan, iyagoo xusay in Maxkamadda xuquuqul insaanka EU ee ECtHR, ay markasta ajendaha kusoo darto Turkiga iyo kiiska Kavala, taasoo ay ku tilmaameen munaafaqnimo iyo wajahaad aan daacad ahayn, iyagoo danjireyaasha xusuusiyey inaysan ka bixin xayndaabka mas’uuliyaddooda.

Persona non grata waa tibix diblomaasiyadeed oo badiyaa la qaado kahor inta aan si buuxda loo eryin ergay diblomaasi ah oo dal ama urur caalami ah metelaya, umase badna inuu Turkigu si kama dambayn ah u cayriyo danjireyaashan.

Hadalsame Media

Facebook Comments