Garoon naqshaddiisa laga qaatay koofida yar ee Muslimiinta oo xarigga laga jaray + Sawirro

0

(Dooxa) 23 Okt 2021 – Qadar ayaa xarigga ka jartay gegada ciyaaraha ee Al Thumama Stadium oo noqonaya garoonkii 5-aad ee la furo.

Garoonkan oo ku yaalla meel 12km (7.5 mayl) u jirta faras-magaalaha Dooxa, ayaa lagu wadaa in uu ka mid noqdo garoomada martigelin doona KA2022 halkaa lagu qabanayo.

Amirika Qadar ee Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Gudodonka FIFA ee Gianni Infantino ayaa ka qaybgalay xafladdii furitaanka oo la qabtay Jimcihii shalaytoole.

Garoonkan Al Thumama Stadium ayuu qaadkiisu dhan yahay 40,000 oo taageere, ayaa lagu misaaley koofida yar ee qubcada la yiraahdo ee ay xirtaan Muslimiintu.

Hadalsame Media