Ciidamo ka tirsan AMISOM oo dadka rayid ah ku laayey Somalia oo toogasho lagu xukumi karo (AMISOM oo qiraal samaysay)

0

(Muqdisho) 23 Okt 2021 – Askar ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa wajahaya dil toogasho ah haddii lagu helo dacwad millateri oo lagu bilaabay kaddib markii ay dad rayid ah ku laayeen dalka Somalia.

Ciidamadan ayaa dad rayid ah si xun ugu xasuuqay agagaarka Golwayn oo ka tirsan Shabeellaha Hoose iyadoo uu shilkani dhacay 10-kii Agoosto. Dadka qaar ayaa la sheegay in inta la xirxirey miino lagu fariisiyey oo deeto lagu qarxiyey, sida ay eheladu sheegeen.

”7 rayid ah ayaa nasiib darrro waxaa diley ciidanka AMISOM ee Uganda, iyadoo sidaa looga leexday xeerka howlgalka, balse arrintan waan sii baaraynaa.” ayay tiri AMISOM.

AMISOM ayaa sidoo kale xaqiijisay in askartani ay falkan u gaysteen qaab aargudasho ah kadidb markii weerar ay kala kulmeen Al Shabaab uu qof kaga dhintay midna uu kaga dhaawacmay, kahor intaanay dadkan oo ay qaar gaari ka dejiyeen laynin.

AMISOM ayaa sheegtay in Uganada oo ay ka socdeen ciidankii jarriimadan ku kacay ay Muqdisho ka furtay maxkamad millateri oo dacwadda lagu qaadi doono gudaha Somalia, taasoo dil toogasho ah keeni karta sharciyan, sida ay qorayso saxaafadda Uganda.

Baaristan ayaa waxaa wadey guddi ka koobnaa 6 qofood oo uu guddoon u ahaa Midowga Afrika, iyadoo ay ku jireen dalalka AMISOM iyo DF Somalia, waana markii ugu horreeysey ee sidan loo baaro tacaddiyada AMISOM oo marar badan dad rayid ah dhibaatooyin u gaystey.

Hadalsame Media