Maxaa kala qabsaday kawaanle kalluunka Liido ku iibiya & RW Rooble?!!

0

(Muqdisho) 22 Okt 2021 – Raysulwasaare ayaa kormeer ku tegay kawaan ku yaalla xeebta oo mallaayga lagu iibiyo. Maalinkaas kawaanka si fiican ayaa loo hagaajiyay. Intii uu kormeerka ku jiray ayuu jawaable la sheekeystay. Raysulwasaarihii ayaa ku yiri: Yaa salaam. Hilib nadiif ah ayaad heysaan. Ka waran suuqa iyo iibsiga hilibka? Kawaanlihii ayaa ugu jawaabay: Si guud hilibka si fiican ayaan noogala iibsadaa, balse maanta hal kiilo xitaa la igama gadan.”

Raysulwasaaraha ayaa weydiiyay sababta, wuxuuna ugu jawaabay: Mudane Raysulwasaare, maadaama aad adigu maanta suuqa soo booqaneysay ayaa la xiray waddooyinka suuqa soo gala, oo shacabkii wax naga iibsan jiray waddada ayaa laga celiyay. Raysulwasaarihii ayaa ku yiri: Waayahay, aniga ayaa kaa iibsanaya ee 8 kiilo oo mallaay ah ii jar. Kawaanlihii ayaa ugu jawaabay: Mudane Raysulwasaare, kaama iibin karo, waayo ma heysto middi aan hilibka ku jaro, oo ciidanka ayaa saakay middiyihii naga aruuriyay.

Raysulwasaarihii ayaa ku yiri: Waayahay, afartaas kiilo lacagtooda ayaan ku siinayaa, ee halkii kiilo qiimaheedu waa imisa? Kawaanlihii ayaa ku yiri: Mudane Raysulwasaare, hilibka qiimahiisa ma aqaan, waayo anigu kawaanle ma ihi, ee waxaan ahay askari ka tirsan ciidanka degmada, oo si amnigaada loo sugo ayaan waddooyinka u xirnay, kawaanleydiina waan kala dirnay. Taliyaha ayaana nagu amray in aan kawaanley iska dhigno inta aad adigu joogto, middiyihiina taliyaha ayaa naga aruuriyay, oo annaga xitaa wuu nagu kaa aammini waayay.

Raysulwasaarihii ayaa ku yiri: Taliyihiinnii aaway? Askarigii ayaa kawaanle kale farta ugu fiiqay, wuxuuna yiri: Mudane Raysulwasaare, Taliyaheygii waa kaas isaguna kawaanle iska dhigayo, ee halkaas hilibka ku iibinaya. Magaaladaan Xamar ah jib waaye ee wax ka qabo mudane Raysulwasaare.

Sheekada iyo sawirku shaqo iyo shuqul iskuma leh.

FG: Sheekadani waa xaalad la meteley oo micne samaynaysa

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media