XOG: Caqabad soo food saartay wadahadalka ka socda Madaxtooyada (Rajo jirta & arrin lagu kala boodsan yahay)

0

(Muqdisho) 21 Okt 2021 – Ilo Xog ogaal ah oo ku dhow wadahadalka u socda Farmaajo iyo Rooble ayaa sheegaya in caqabado cusub ay kusoo kordheen wada hadallada socda.

Wararku waxa ay sheegayaan in dhinaca Farmaajo ay soo cusboonaysiiyeen goordhaw in faraha looga qaado Farmaajo Taliska NISA, taasoo ay maalmihii lasoo dhaafay sheegayeen inay tanaasul kasamaynayaan si wada hadaladu u guulaystaan.

Arrintaas ayaa ah mid dib u dhac ku keentay horumarkii wadahadallada ee saacadihii lasoo dhaafay niyada shacabka kor u qaadday si loo helo heshiis siyaasadeed.

Yeelkeede, dhinacyada ku howllan dhamaynta xiisaddan oo soo jiitamaysay dhowr bilood ayaa u muuqda inay wali rajo ka qabaan dhamaynta khilaafkan.

Waxaa sidoo kale dhankooda cadaadis wada wakiillada Beesha caalamka oo u arka sii socoshada khilaafkan inay dhabar jebinayso habsami socodka hannaanka doorashada dalka.

Khilaafka udhaxeeya madaxda DF ayaa loo aanaynayaa in wali aysan beesha caalamku shubin kharashkii doorashada intiisa badan.

Hadalsame Media