Kooxda Daalibaan oo la sheegay in ay “qoorta ka jareen” gabar ciyaaryahan ahayd

0

(Kabul) 21 Okt 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa qoorta ka gooyey gabar ka tirsanayd koox dheesha kubbadda laliska, sida haatan soo baxaysa.

Mahjabin Hakimi, oo ahayd xiddig soo baxaysa ayaa u dheeli jirtey kooxda Kabul Municipality Volleyball Club, ayaa waxaa qalay kooxda Daalibaan, sida uu macallinkeedu u sheegay  The Persian Independent.

Warar is khilaafsan oo haatan soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in Mahjabin la diley todobaad kahor intii aanay Daalibaanku Kabul qabsan bartamihii Agoosto.

Dhanka kale, sawir laga qaaday maydkeeda ayaa muujinaya dhaawac dhuunta kaga yaalla.

Yeelkeede, inta badan saxaafadda reer Galbeedka ayaa dacaayado badan ka faafisa kooxda Daalibaan.

Hadalsame Media