Goobjooge sharraxaad ka bixiyey sababtii loo laayey saraakiil hoggaaminaysey Dagaalkii 77

0

(Hadalsame) 21 Okt 2021 – Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib waa taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Soomaaliya (1962-1966). Wuxuu sidoo kale soo noqday Taliyaha Booliska Soomaaliyeed (1970-1974), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1974-1976), Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada (1977-1978), Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga (1978-1982) iyo Wasiirka Gaadiidka (1982-1984).

Sanadkii 1984tii ayuu Jaamac iska casilay xilkii Wasiirnimo, wuxuuna ka baxay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka oo uu Golihiisa Dhexe xubin ka ahaa. Janaraal Jaamac ayaan waydiiyay sababta uu xilalkaas isaga casilay, wuxuuna iigu jawaabay:

“Mar kasta oo dagaal lagu soo jabo waxaa ciidanka laga filan karaa inqilaad. Markii lagu soo jabay dagaalkii 1977dii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu Maxamed Siyaad ka baqay in xukunkii laga afgembiyo, wuxuuna amar ku bixiyay in la laayo askartii ugu firfircooneyd ciidanka dalka, waxayna Taliyayaashii Ciidanku bishii Maarso ee 1978dii xerada Garabcase ee duleedka Jigjiga ku laayeen 83 ka mid ah ciidankii xoogga dalka.

Taasi inqilaabkii ma baajin oo waxaa April 1978dii dalka ka dhacay afgembi dhicisoobay., waxaana la toogtay saraakiishii ka dambeysay afgembiga. Wixii inqilaabkaas ka dambeeyay, wuxuu Maxamed Siyaad shaki weyn ka qaaday dadkii la shaqaynayay. Wuxuuna xabsiga dhigay 7 ka mid ah Golihii Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka oo uu ku eedeeyay in ay inqilaab maleegayeen. Xubnahaas la xiray waxaa ka mid ahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii dalka Ismaaciil Cali Obokor, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Cumar Carte Qaalib.

Maxamed Siyaad wuxuu sidoo kale howlgab ka dhigay 8 Janaraal oo dhalinyaro ah oo ka mid ah haldoorkii ciidanka, sida Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caarre), Ismaaciil Neero iyo Cabdiraxmaan Cali Cumar, wuxuuna Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ka dhigay wiilkiisii, Maslax Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa la qabyaaladeeyay qarankii, oo waxaa xilalkii lagu tixay ehelka Madaxweynaha. Awooddii dowladdana waa lagu takrifalay oo waxaa lagu dulmiyay qabaa’il gaar ah. Waa dalka ka dhacayay dambiyo ay ii cuntami waysay in aan marqaati ka noqdo. Marka ma dooneyn in aan masuuliyadda qaladkaas wax ku yeesho, rejo kalena iima muuqan oo waa laga quustay in uu hoggaankii kacaanku hagaago, sababtaas ayaana uga tegay shaqada Dowladda.

Markii aan shaqada dowladda ka tegay waxaan beer ka tacbaday degmada Afgooye. Waxaan ku biiray ururkii Qareennada Soomaaliyeed, waxaana xafiis nootaayo ka furtay Muqdisho.”

Waxaa Diyaariyey: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media