DEG DEG: Heshiis rasmi ah oo la gaarey & War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska RW Rooble (Qodobbada)

0

(Muqdisho) 21 Okt 2021 – ”Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wada hadal yeeshay ayaa xal ka gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, iyagoo soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan qodobbadii lagu heshiiyay.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

Waxaa War Saxaafadeedka lagu sheegay in lagu heshiiyey in la dardargeliyo doorashooyinka, xallinta kala aragti duwanaanshiyaha madaxda sare ee DF Somalia iyo kiiska Ikraan Tahliil.

Waxaa War Saxaafadeedka lagu xusay baaq ku socda Maamullada oo laga dalbaday in lagu dhaqsado doorashada Aqalka Hoose.

Yeelkeede, waxaa weli la hubin sida loo xalliyey kiiska Ikraan oo aan warkiisu caddayn, waayo ninka loo daayey inuu xilka sii hayo wuxuu ka mid yahay eedaysanayaasha.

Hadalsame Media