MAQAAL: Gulufka Guriceel, goosha ASWJ & guddoonka Qoorqoor

0

(Hadalsame) 20 Okt 2021 – Gulufka Guriceel, goosha ASWJ & guddoonka Qoorqoor.

Qof kasta oo GM wax ku leh waxaa la gudboon in uu sare ugu dhawaaqo talodiisa ku beegan ismaandhaafka colaadda foolanaya ee Galguduud ka jira! Inta aanad dhinac raacin ama dhexdhexaad noqonse waxaa loo baahanyahay in la ogaado halka laga yimid si loo oddorosi karoodo yoolka la tiigsanayo.
Waa ayo Ahlusunnah (SUFO)
Culimadii Ahlusunnah talada shacabka ayaa raalli uga ahaa.
Amni sugis iyo Alshabaab la dagaal ayay ku ammanaayeen.
Hurumar lagama helin
dadka aan firqadooda aheyn waa afqabteen
Dowladda dhexe waa la shaqeyn waayeen

Awood qeybsiga firqadooda mooyee inta kale waa ka qadiyeen.

Xukuumad kasta oo ay la heshiiyaan rugcaddaa ayaa ka raacaayay in yar oo SUFO la yiraahdo ayaana soo hartay. Culimonimo, reernimo iyo dirir shabaabba waa ka ilbaxeen Xaafkii aaminay waa mijo xaabiyeen.

Markii qoorqoorkii ay xambaarteen xabbadeeyayna shacabkii xeroda ugu jirijaray ayaa ku wiirsadey oo iyaga dulleysan ayay tageen.

Yoolka SUFO

Ma dhib badna in la garto in shaagashadooda Shabaab la diririkaa aysan wax badan ka run aheyn oo marka lagasoo tago in dad badan oo ay ku daabnaayeen dhinacooda banneeyeen sida qabiillo iyo xubno aad u farobadan oo ka tirsanaa taas oo taag darri keenaysa, waxaa cadden noqon karta in sanaddadii xukunkooda ugu danbeysay aysan dagaal Alshabaab u dhaqaaqin. Waxa si fudud loo garan karaa in Culimadu mansab doon tahay welibana si xun u raadinayaan.

Tagtadii Qoorqoor

Burburinta maamulkii Xaaf ayuu ka shaqeeyay. Xukuumadda dhexe ayaa u xoogtay xilka GM. Reerkiisii ayaa gartay in loo daayo maamulka. Shacabka iyo hayadaha ayaa horumarin billaabay. maamul dowladeed wax u eg ayaa billowday (Isbaaro qaadis, canshuur, ciidan dhis iqk).

Sidii nin xoog meel ku qabsaday ayuu GM u maamulay:

  1. Isbaarooyinkii Sufada ayuu canshuur ku kordhiyay lacagtana ka gurtaa iyada oo aan bulshada adeeg lagu celin (Gaalkacyo iyo Guriceel ayaa ugu daran oo kumannaan dollar ayaa maalinle looga qaadaa) .

2. Maamul wanaaggii la filaayay ma imaan taladu tin iyo cirib isaga ayaa ay ku egtahay, mashaariicdii la sugaayayna musuq iyo maareyn xumo ayuu ka bi’iyay.

Shabaabka sidii weer ari helay gobalka ugu bardoodinaya dan kama gelin

Dagaallada sokeeye ee tiro beelay dedaal ma mudnaan.

Maamulkii gobalkiisa maareynta mansabka saaxibbadiisa dowladda dhexe ayaa kala weynaatay.

Afduubka kuraasta reeraha aqalka sare oo qof loo xiro.

Yoolka Qoorqoor

Marka mansabkii gobalka ugu weynaa oo uu xoog islaameed ku qabsaday ee shuruud la’aanta loogu xalaaleeyay uu sida meherad yar oo aan macno badan lahayn uu ugu shaqeystay waa ay iska caddahay in Qoorqoor uusan dan weyn ka laheyn GM dadku leeyihiin, kolkaasna waa ay fududdahay in la garto sidii GM lagu yaqaanneyba in uu daneynayo kaliya dhaca kuraasta federaalka ee lagu dooran doono.

Maxaa reer Galmudug la gudboon

Haddii siyaayisiiyiintii aysan isku xirneyn, xarig iyo xeer tartankooda xajiyana uusan jirin oo nin walboow dantaa tahay, hoggaannadii bulshada sida dhaqankiina in maqan iyo af wax cunay yihiin, culimadii loo carari lahaana caydka wax ka abuureen isla markaana hoggaan kale oo bulsho sida dhallinyaro dhawaaq leh aysan jirin kolkaa waa “reer ba’oow yaa ku leh”

Ragse talo kama dhammaatee inta danta wadartu walaacineyso wanaagga GMna jecel waxaa la gudboon in ay adkeeyaan jirintaan GM, hoggaanka sharciga ahina waa madaxweynaheeda ciddii aan oggoleynna waa in meel looga soo wada jeedsado. Waxaase ka horreysa in hoggaanka GM lala xisaabtamo oo la oggoleysiiyo in GM taladeeda uu maamulka uu dhisay, dhaqanka reeraha iyo shacabkaba doorkooda u oggolaado sidaas oo kalena xuquuqda siyaasiyiinta iyo reeraha madax banneeyo.

Hadiise loo daayay in madaxtinomda maamulkii uu xoogay ee haddana lagu fiirsaday in uu dullaal uga ahaado dowladda dhexe ee haddana dayacaadda iyo maamul xumada kusii daro in kuraastii reeraha ee raggii uu maamulka ka dhacay ay ku tartarmi lahaayeen in uu u dhaco kuwii kursiga isaga u booliyay oo uu kurisigii Shaakir u tartami lahaa Cabdi xakiin u xiray kuwa aqalka hoosena rabo in uu dad kale u qaado waa yaabka yaabkiise sidee loogu eedeynayaa Macallin Maxamuud in uu wiilkiisa kursi u rabo?

Qodobka labaad ayaa ah in culimadu gobalka u dhasheen mar haddii qof kastaa hubkiisa heystana culimadu haddii sidii shaqsiyaad reerahooda u dhex joogayaan waxa ay xaq u leeyihiin in ay is hubeeyaan. Alshaab ayaa ay iskaga difaacayaan haddii kursiga ay u tartamayaan la dhici rabana sida Mahad Salaad iyo siyaasiyiin farobadan hub ugu diyaarsadeen ina Qoorqoor ayaa ay iyaguna xaq ugu leeyihiin.

Qodobka saddexaadna waa in dagaalkii Bohol uu gardarro cad ah in uu ahaa ka sokoow ahaa siyaasad xumo keentay in dad badan oo aad u diiddana Sufo ay ku qasbanaadeen in ay difaacaan, hadda oo in SUFO magaalada ay qabsadeen ay ku qaldanyihiinna weli waa qalad in la weeraro oo gacmo nafiif ah ayaa wax daahiriya Qoorqoorna isaga ayaa maamul xumo Aabbo iyo hooyo u ah kolkaa qallooca culimada in uu quwad u adeegado waxa ay dan ugu jirtaa SUFO oo helaya dhowr qolo sida 1. dad Qoorqoor maamul xumadiisa nacay garashadooduna aysan gaarsiisnayn in ku xumeynta Qoorqoor aysan ku celin GM kala jaban.

2. Qolo Culimadu u yihiin awliyo degaanka xaq weyn ku leh qalloocna aan ka maleysayn.

3. Qolo wadaadka ehelkooda ah in laga dhex qaato qaadan la’.

Xalku waxa uu ku jiraa in xeeladda Qoorqoor ahaato hagaajinta hab dhaqankiisa uu ku soo jiito reerha iyo siyaasiyiinta saluugsan ka gadaalna SUFO tabar badan yeelan maayaane iyaga iyo reerkooda isu dayaan kolka u danbeysa ee reerku ka quustana oo dadku wada arkaanna magac loo bixiyo oo la dagaalkoodu xalaal noqdo.

Eebbe ayaa ogaal badan.

Waxaa Qoray: Dalmar Faafaale

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media