Dayuurad bullaacad kusii daysey nin jirdiinadiisii dhex jooga (Inay inkirto oo ay isku dayday & khalad kale oo ay samaysay)

0

(London) 19 Okt 2021 – Nin ayaa sheegay in jardiinadii gurigiisa “lagu banneeyey bullaacaddii dayuurad gurigiisa oo Windsor ku yaalla dul maraysey”, sida ay sheegtay Karen Davies kaddib markii uu ninku ka sheegay shir ay lahaayeen.

Waxay sheegtay in ninkan iyo “jirdiinadiisii oo idil iyo xitaa dallad wayn oo ku taalley lagu dharoobay bullaacad hawada looga soo daadiyey.”

Arrintan oo dhacday bartamihii Luulyo ayaa haatan lasoo bandhigay, iyadoo caadiyan bullaacadda dayuuradda oo ku kaydsan taangiyo gaar ah la qaado marka ay dayuuraddu ka degto garoonka ay u socoto, lama se oga sababta ay cirka uga soo daadiyeen, iyadoo dayuuradaha u socda Heathrow ay inta badan dul maraan Windsor.

Magaca dayuuradda arrintan sameeysay looma sheegin BBC-da, waloow ay markii hore shirkaddu inkirtay shilkan balse markii dambe ay ninka odayga ah ka aqbashay inay iyadu dhibka gaysatey, markii la adeegsadey app sheega khadka ay dayuuraduhu maraan.

BBC ayaa sidoo kale isku dayday inay arrintan kala xiriirto qaybta Duullimaadyada Rayidka ah ee UK, balse weli kama hadlin.

Hadalsame Media