Turkiga oo xirxiraya qalabkii ugu ballaarnaa ee fogaan arag ah & ujeedka ka dambeeya + Sawirro

0

(Erzurum) 18 Okt 2021 – Turkiga ayaa ku dhow dhamaystirka rakibaadda fogaan arag ku shaqeeya aaladda infrared, oo laga samaynayo gobolka Erzurum oo lagu wado inuu howlgalo oo cirka eego 2022-ka.

Mashruucan oo ay wadaan Eastern Anatolia Observatory (DAG) ayaa qayb ka ah aragtida Turkiga ee 2023-ka, waxaana cilmi ahaan maalgelinaysa Atatürk University ayaa wuxuu Turkiga siin doonaa fogaan araggii dalkaa ugu ballaarnaa taariikhda iyadoo ay ballarka kaamiradiisu tahay 4 mitir (13 cagood), iyadoo arki karta wax ka yar 3 micron oo yaalla meel aad u fog.

Fogaan aragga DAG, oo uu Talyaanigu sameeyey, ayaa waxaa Turkiga la keenay 26-kii Febraayo 2021, iyadoo ay jiidayaan 6 gaari oo waawayn oo ah kuwa 100-ka tan qaada, waxaana deeto loosoo qaaday figta sare ee buurta Konaklı Mountain, oo 3,170 mitir ka sarraysa gunta badda.

Hadalsame Media