”Si uu meesha uga boxo go’aanka ICJ aan burburinno DF Somalia!” – Gobollada ay Kenyan-ku ku tashanayaan inay la ”safanayaan” (Daawo)

0

(Nairobi) 18 Okt 2021 – Waxaa la shaaciyey go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Badda Somalia-Kenya, kaasoo ay Somalia ku guuleysatay.

Qayb yar baase loo reebay Kenya, taasoo ka bilaabanaysa wixii ka dambeeya 12 NM oo ah aagga biyaha maxalliga ah, iyadoo wixii ka bilowda qaybta la yiraahdo Aagga Gaarka ah ee Ganacsi (EEZ) ay jiitintu u yara jiifsanayso dhanka Somalia.

Yeelkeede, Kenya ayaa horraan iyo haddaba caddaysay inaysan ixtiraami doonin go’aankaasi, iyadoo weli ku doodaysa inay dhul-badeedka iyadu iska leedahay, tiiyoo habdhaqankeeda, iskaba daa taariikhdee, laga arki karo inaysan waxba meesha ku lahayn.

Kibe Mungai oo ah qarreen si gaar ah ugu dhuun daloola Dastuurka Kenya ayaase keenay soo jeedin lagu qoslo oo ah inay ay Kenya gebi ahaanba burburiso DF Somalia, kaddibna ay xitaa heli doonto gobollo Somalia ka tirsan oo iyada taageeri doona.

”Soomaaliyada naga horjeeddaa waa DF oo ah dowlad daciif ah oo uusan burburkeedu dhib badnayn. Marka aad burburiso waxaad haysataa gobollada Jubbaland iyo Somaliland, waayo marka aad Somalia u qaybiso sidii Yoguslavia, ma jirayso wax xukun ICJ la yiraahdaa.” ayuu yiri Mungai oo waraysi meelo badan taabanaya siinayey Barnaamijka Morning CAFE ee TV 47, isagoo soo jeediyey in sanado kaddib ay markale dib ugu noqdaan arrintan.

Ninkan ayaa intaa raaciyey in ay Kenya u baahan tahay inay la timaado ”geesinnimo iyo istaraatijiyad ay arrintaa ku fuliso”, isagoo Somalia oo idil u sawiraya sidii canjeero saxan saaran oo Kenya hor taalla.

Arrintan ayaa tallan gelinaysa Soomaali kasta oo ay la qurxoon tahay ama in meel lagu gaari doono ay la tahay sida ay maanta u jilan tahay siyaasadda Somalia oo ah in uu dalku u qaybsan yahay gobollo qaab qabiil u kala googo’an oo aanu jirin mid duullaan dibadeed saacad iska caabbin kara, balse u kala xirxiran siyaasiyiin u kala shaqeeya cadowga umadda oo san-dareerto yar oo ay mid kun jeer ka badan kana sharaf badan dalkooda ka heli karaan ku rakaataynaya.

Hoos ka daawo, iyadoo ay sheekadu ka bilaabanayso qaybaha dhexe oo uu soo gelayo Dr Massanga oo ah nin aan isna hadalka ugu naxariisan Somalia, marka kiiskan laga hadlayana aan si maangal ah u kalaamin…Weliba Massanga wuxuu u dhashay Uganda oo ma aha Kenyan.

Hadalsame Media