”Yaa wax ka dhegeysanaya dal fashilmay!” – Qoraa Kenyan ah oo ka sheekeeyey tillaabooyinka u furan Kenya (Qoraal ay Somalia wax ka baran karto)

0

(Nairobi) 17 Okt 2021 – Gitau Warigi oo ah Bogle (Columnist) wax ku qora The Nation, ayaa maqaal ka qoray waxa ay Kenya ka yeeli karto go’aanka ICJ oo uu ku tilmaamay mid ku xiran ama u madlan aqbalitaanka Kenya oo ah ”dhinaca xoogga badan”, marka Somalia loo eego sida uu qabo.

Ninkan ayaa maqaalkiisa ku sheegay in Kenya ay ka faa’iidaysan karto arrimo badan oo u saamaxaya inay Somalia ku khasabto inay wadaxaajood gasho, maadaama ay uga turuf roon tahay ciidan ahaan.

”Soomaalidu ma laha ciidan badeed. Kenya waa leedahay, runtiina waxaa dhowaan la casriyeeyey saldhigga Manda Bay ee u dhow Lamu, kaasoo ay sidoo kale adeegsadaan Maraykanku, mana aha arrin iska dhacday,” ayuu qoray Warigi.

Wuxuu kale oo xusay in go’aannada ICJ ay taageero uga baahan yihiin Golaha Amaanka, gaar ahaan 5ta dal ee leh Diidmada Qayaxan ee VETO, kuwaasoo aysan u badnayn inay hal go’aan isku raacaan, gaar ahaan haddii aanay arrintaasi saamayn toos ah ku lahayn danahooda. ”Weliba Kenya ayaa haatan ah Madaxwaynaha Golaha Amaanka oo taas ayay ka faa’iidaysan kartaa,” ayuu daliishadey isagoo si jees jees ah u sheegay in aan cidna dan badan ka lahayn ”dal fashilmay.”

Wuxuu kale oo xusay sida uu uga baqayo in Tanzania iyana dacwad laga geeyo ICJ, maadaama haddii ay Kenya aqbasho go’aankii la ridey 12-kii bishan ay xaq u yeelan karto inay Tanzania dacwad ku furto. ”Waxaa halkaa ka imanaysa dhibaato ballaaran oo diblomaasiyadeed, taasoo saamayn doonta dalalka kale ee Afrika.” ayuu ku dooday isagoo muujinaya ku dhaqanka murtidii ahayd ”ilmahaygii ari baa laayey”, waayo Somalia ayuu ku tilmaamay dal aan sumcad caalamka ku lahayn oo ay weliba uga sii dareen Shabaabku.

Arrintani waxay Soomaalida oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiin iyo shacabka kala ra’yiga yar baraysaa cashar wayn oo ku saabsan sida ay muhim u tahay inaad tahay umad agaasiman oo is difaaci karta iyo in aysan dunidan casriga ah ka shaqayn doonin qabiillo kala qoqoban oo aan aqoonin sida loo wada noolaado.

Maqaalka Gitau Warigi waxaa ku xusan in Kenya ay ogtahay inaysan Somalia waxba ku lahayn, balse markii ay aragtay caqliga iyo cindiga Soomaalida oo ay deristey sida u dagan yihiin, ay guddoonsatey in ay qaaddada mar kale darsato malabkan dameerka la saaray.

Sida ay hadda ku socoto siima socon karto.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media