Warbixin qoto-dheer oo ku saabsan sida ay hadda u jilan tahay siyaasadda Somalia & dalalka dhex boodaya

0

(Hadalsame) 17 Okt 2021 – Rooble iyo Farmaajo – Nin oday ah aan shaqo wadaag ahaan jirnay gadaalkiina kamid noqday Madaxdii Dalka ayna isku qoys yihiin Rooble saaxiibna la ah Farmaajo oo isku dayay inuu dhex galo labada oday ayaa ii sheegay inuu Ra’iisal wasaare Rooble u sheegay in ay suura gal u tahay inuu la heshiiyo Madaxweyne Famaajo, laakiin aysan suura gal ahayn inuu la heshiiyo Fahad Yaasiin, gor gortana uusan ka galeyn kiiska Ikraan Tahliil, hadday dhab tahay rooble garti ayey tahay.

Waxaa la sheegaa Farmaajo inuu saaxiib la yahay oo kaliya Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea Afawarqi, waxayna aad u kala fogaadeen Dawladaha Carabta waxaa hoos u dhac ku yimid xiriirkii Xamar iyo Dooxa kadib markuu Ergaygii Qatar Mudlaq Al-Qaxdaan uu ku guul daraystay inuu ku qanciyo Dawladda Xamar inay Nayroobi la heshiiso, arinka baddana lagu xaliyo banaanka Maxkamadda taasoo ay diideen Farmajo iyo Rooble labaduba.

Waxaa sidoo kale ay aad u kala fogaaday Xamar iyo London ka gadaal markii ay Villa Soomaaliya ka diiday xafiiska dalka Ingiriiska looga taliyo ee No 10 qorshe ay ku doonayeen inay kula wareegaan Furdada iyo Madaarka Xamar iyo in xariirka Ankarana hoos loo dhigo, waxaase la sheegayaa inuu R/W Rooble u ogolaaday in Ingiriiska maalgashi ku samaystaan Furdada Berbera oo uu horay Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ugu saxiixay DPW ta Imaaraadka waxaa haattan la wadaagi doona Shirkad Ingriiska oo ogolaansho ka heshay R/W Rooble.

Loolanka Geeska Afrika ayaa salka ku haya ganacsi, waxay Dawladaha warshaduhu aad u doonayaa in gobolku ka bixin liiska macaamiisha warshadahooda iyo wax soo saarka Dalalkooda ayagoo ilaashadana xasiloonida ganacsi ee Dalalkooda dadka Geeska afrika ku noolna lagu wareeriyo xasilooni darri si aysan u kobcin wax soo saarka gobolka,

Dawladda Qatar ayaa iyaduna ilaashanaysa Ninka kaliya ay ku leeyihiin Soomaaliya ee Fahad Yaasiin, booqashadii Khayre ee ugu dambaysay ee uu Doxa ku tago ayaa laga garan karay kala fogaanshada Wasiirka 1 aad ee xiligaas Khayre , waxay xoolo badan ku bixiyeen sidii loo ridi lahaa Khayre, waxaana sidoo kale xan ku maqlay inaysan doonayn soo laabashada Madaxweyne farmaajo oo ay sidoo kale qaar badan saadaaliyeen.

Wasiir ka mid ah ragga aadka ugu soo hor jeedo Madaxweyne Farmaajo, oo aan xigto nahay ayaan waydiiyay wuxuu uga soo hor jeedo Farmaajo oo ii sheegay inuu isagu kudaray golaha Wasiirada ee uu haattan ka midka yahay ?

Wuxuu yiri Madaxweyne Farmaajo waa kaligii, Abiy Ahmed iyo Afarwaqi saaxiib aan ahayn ma lahan, Qatar badi dantay ka lahayd kamaysan helin oo badda Kenya badh la siiyo ayay doonaysay sababtuna shirkadad ENI ayay 40% leeyihiin , sidoo kale shaldhig ciidan kii ay Jabuuti kala baxeen iyo 100 km oo dhul beereed ah oo cid u ballan qaaday ay jirtay ayay Khayrre iyo Farmaajo si wada tashi ah u diideen inay bixiyaan sidoo kale dhul saaran badda oo ay warshad kalluun inay dhistaan ayay dalbadeen waxaase lagu heshiin waayay saamiga ay Soomaaliya yeelanayso .

Ugu dambayn Rooble iyo Farmaajo waa heshiin karaan haddii Dalka iyo Dadka loo naxayo , sidoo kale Khayre iyo Farmaajana waa sii wada joogi kareen haddii aysan jiri lahayn gacan shisheeye oo buuxda Baarlamaankana awood ku leh.

Qalinkii: F Xiirane, sarkaal ka tirsanaa sirdoonkii Soomaaliya ee (NSS 1976 -1991)

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media