”Waa tan sababta ay Somalia nooga adkaatay!” – Wargayska ugu afka dheer Kenya oo maqaal dheer qoray

0

(Nairobi) 16 Okt 2021 – Wargayska The Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray guuldarrada Kenya ka gaartey dhul-badeedka Somalia ee ay sheeganaysey wuxuu eedda saaray saxaafadda Kenya oo uu ku eedeeyey inaysan doorkoodii kasoo dhalaalin.

Maqaalkan oo weliba kasoo baxay isla wargayska oo uu qoray Peter Mwaura oo tifaftire ka ah The Nation, ayaa saxaafadda Kenya ku eedeeyey inaysan dadka si wanaagsan uga dherjinin xogaha farsamo iyo kuwa sharci ee ku aaddan dacwadda badda ee la isku hayey.

Wuxuu xusay in tiiyoo ay ay jirto in Kenya ay leedahay khibrad iyo aqoon durugsan oo dhanka xeerarka badaha ah isagoo ku faanay 1970meeyadii ay Kenya QM u dirtay aqoonyahannada Prof Frank X. Njenga iyo Dr Andronico Adede, si ay wax uga dejiyaan Cahdiga Xeerka Badda, ay misna saxaafadda Kenya war ka sugaysey kaliya dhanka xukuumadda Kenya.

”Saxaafadda ayaa arrintan lagu eedayn karaa, waayo sheekooyinkoodu uma samaysnayn qaab ay dadku uga dhergi kareen ama u fahmi kareen kiiska iyo natiijada kasoo salag lahayd.” ayuu qoray Mwaura oo sidoo kale soo qaatay maqaallo fara ku tiris ah oo uu tilmaamay inay si qoto dheer kiiska u dhiraan dhiriyeen.

Haddii ay Kenya oo leh mid ka mid ah saxaafadda ugu waawayn Afrika iyo Bariga Afrika ay dhaliil yeelatay maxaad u malaynaysaa midda Somalia oo aan inta badanba lahayn wax door saxaafadeed ah oo micne leh?

Halkan ka akhri maqaalka…

Hadalsame Media