Maxaadan ogayn oo ay ku keceen camaaliqooyinka tiknolojiyadda ee Google & Amazon?!!

0

(Hadalsame) 16 Okt 2021 – Shaqaale ku dhow 400 oo qof ayaa soo saaray warqad furan oo ka dhan ah Amazon iyo Google taasoo ay labada shirkadood uga dalbanayaan inay joojiyaan qandaras ku kacaya $1.2bilyan oo doollar oo ay la galeen millateriga Israel.

Dadkan oo iskugu jira 300 oo Amazon ah iyo 90 Google ka shaqeeya ayaa si aqlabi ah u saxiixay warqaddan oo dalbanaysa in la kansalo mashruuca Project Nimbus, taasoo ay labadan shirkadood ay adeegga kaydka xogaha ee cloud-ka ay ku siinayaan hay’adaha Israel oo ay ku jiraan millateriga dalkaasi.

Warqaddan oo lagu daabacay the Guardian, ayaa lagu xusay in tillaabadani ay ka qayb qaadanayso takoorka qorshaysan iyo barakicinta ay ciidanka Israel iyo dowladdoodu ay ku hayaan dadka reer Falastiin.

Arrintan ayaa keenaysa in si sharci darro ah loo diiwaangeliyo dadka reer Falastiin, taasoo keenaysa in si sahlan loogu adeegsado siyaasadda Israel ee ay kooxaha xuquuqul insaanka, oo ay ku jirto Human Rights Watch, ku tilmaameen dembi apartheid ah.

“Iskama indha tiri doonno in farsamooyinka aan dhisno loo adeegsado in lagula tunto laguna xaqiro xuquuqda Falastiiniyiinta ee asaasiga ah.” ayay warqadda ku qoreen.

Hadalsame Media