Maraykanka oo 3 farood u taagey DF Somalia (Maxaa la faray inay yeelaan?!)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2021 – Wasiirka Dibadeedka DF Somalia, Md Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kulan gaar ah la qaatay Kaaliyaha Arrimaha Afrika ugu qaybsan Maraykanka.

Mary Catherine Phee, ayaa Wasiirka kala hadashay 3 arrimood oo ay midda 1-aad tahay in sanadkan lagu soo afjaro doorashada.

Qodobka 2-aad waa in dhaqse loo dhameeyo khilaafka micne darrada ah ee dalka sii qaybinaya ee Farmaajo & Rooble.

Arrinta 3-aad ee ay lasoo qaadday waa mid ay ku ballan qaadday inay Maraykanka ka go’an tahay ka shaqaynta “nabadda, amaanka iyo baraaraha Somalia”.

Maraykanka oo ah dal ku socda siyaasad dibadeed oo aan inta badan fadhin, ayaa dhamaadkii sanadkii hore si halhaleel ah ciidamadiisa ugala baxay Somalia, waloow uu haatan sheegay inuu soo noqon karo.

Hadalsame Media