Ma ogtahay in dhul-badeed ay Somalia leedahay uu ku maqan Yaman & Jabuuti?

0

(Hadalsame) 14 Okt 2020 – Waxaa qir iyo qir kala taagan Turkiga iyo Giriigga oo isku haysta Giriigga oo doonaya inuu jasiirado ku yaalla Badda Dhexe iyo Aegean Sea oo ay sheegeen inay leeyihiin Aag Dhaqaale oo Gaar ah (EEZ), taasoo kasoo horjeedda Xeerka Caalamiga ah ee Badda.

Yeelkeede, Somalia ayaa marka laga soo tago muranka ka taagan Badda Koonfureed oo Kenya dhul badeed badan ay weli sheeganayso (waloow xukun la ridey 12-kii bishan), waxaa sidoo kale jirta sheeko la mid ah midda Giriigga oo ay Yaman ka waddo biyaha ku xeeran jasaa’irka Socotra oo ay sheegtay inay iyaguna leeyihiin EEZ kaddib markii ay Somalia dacwad u gudbisey xafiiska umuuraha sharciyada ee UN DOALOS 2014-kii (Arag Xeerka Badda No. 85, 2015).

Yeelkeede, intii aanba la gaarin Yaman oo iyaduna dacwad ay arrintan uga cabanaso u gudbisey QM, waxaa af labadii yeeray Somaliland oo ku doodday inaysan ”Somalia sharciyad u haysanin inay Badda Cas qaybta Somalia ay iyadu maamusho (War Saxaafadeed, 7-dii Agoosto isla 2014-kii).

Waxaa sidoo kale khariidadda ay Somalia gudbiysey ee EEZ sidoo kale mid kale ka daba dirtay Jabuuti isla 2014-kii (Warqad rasmi ah ayay u direen DOALOS, 31-kii Jannaayo 2017-kii), taasoo ay dood ku gelisey biya dhaca lagu saleeyey doodda Somalia, iyadoo ay Jabuuti ku doodayso inay Somalia sheegatay biyo hoos taga Jabuuti.

Yeelkeede, midda ugu darani waa Yaman oo sida Giriigga ku doodaysa in jasiiradaha ay hadda xukunto ee Socotra oo ay Somalia laftooda sheegato ay leeyihiin qalfoof qaaradeed (continental Shelf) gaar ah sida dhulwaynaha iyo Aag Dhaqaale oo Gaar ah (EEZ), sida ku cad warqad ay QM u dirtay 25-kii Luulyo 2014-kii.

Yaman ayaa ku doodaysa in diilinta calaamaynaysa biyaha maxalliga ah ee Somalia aan gebi ahaanba la dul marin karin jasaa’irka Socotra (arag sida ka muuqata sawirka oo ah sida ay Yamani doonayso, balse ka horjeedda Xeerka Caalamiga ah ee Badda).

Nasiib darro, Somalia ayaa kaddib burburkii waxaa ka hirgalay siyaasad nacaseed ku filan xafiiltan maxalli ah oo ma dhamaade ah, balse lax dhukan col iyo abaar moog ka ah waxyaabaha ka socda hareeraha Somalia ee ka hor jeeda danaha Somalia, marar badanna madaxda kala haysta meelaha kala duwan ayaa si toos ah iyo si dadban uga shaqeeya danahaa lidka ku ah kuwa qaranka.

FG: Qoraalkan waxaan horay u daabacnay 6-dii Sebt sanadkii tegey.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media