Sida ay dalalku ugu kala codeeyeen go’aankii ICJ & 3-da dal ee diidey in dhulka Somalia Kenya la siiyo (Arag sawirradooda)

0

(Hague) 13 Okt 2021 – Waxaa la shaaciyey go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Badda Somalia-Kenya, kaasoo ay Somalia ku guuleysatay.

Go’aanka ayaa kusoo baxay in Kenya la siiyey qayb badan oo ka mid ah dhulkii ay sheeganaysey, waloow marka saami ahaan la eego Somalia loo roonaaday, balse ceebta jirtaa waa in uu arrintaa muran sharci ihi durba ka taagan yahay, iyadoo sida muuqata lagu bixiyey qaab xeer-jajab ah.

Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka horyimid go’aankii ay shalay riddey Maxkamadda ICJ, kaasoo ay dhul badan oo Somalia leedahay ku siisay Kenya, isagoo sheegay in Maxkamaddu aysan xaquuq sharci ah u lahayn inay iska samayso xarriijin cusub iyada oo aan ku larin sabab sharci ah.

Garsoore Cabdiqawi ayaa ka mid ahaa ilaa 14 garsoore oo la isku yiraahdo xeer-beegtida Maxkamadda ICJ (Jury), wuxuuna ku jirey 4 garsoore oo diidey sida uu xukunku u dhacay, halka ay 10ka garsoore ee kale taageereen.

Garsoorayaasha go’aankan dhulka lagu siinayo Kenya u codeeyey ayaa kala ah Maraykan, Ruush, Jarman, Slovakian, Brazil, Uganda, Jamaica, Marooko, Shiinaha & Japan, halka afarta diiddey ay kala yihiin Garsoore Cabdqawi (Somalia), Nawaf Salan (Lubnaan), Ronny Abraham (France), iyo Dalveer Bhandari (Hindiya).

Hadalsame Media