Nin dhowr qofood fallaar ku diley oo lagu qabtay magaalo ku taalla Norway + Sawirro

0

(Kongsberg) 14 Okt 2021 – Dhowr qofood ayaa lagu diley qaar kalena waa lagu dhaawacay kaddib markii uu weerar gaystey nin ku hubaysnaa fallaaro iyo qaanso magaalada Kongsberg ee dalka Norway.

Sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Maxalliga ah, Oeyvind Aas, ninkan oo kaligii weerarkan gaystey ayaa gacanta lagu dhigay.

Hilinka dadwaynaha ee NRK ayaa baahiyey in ugu yaraan 4 qofi ay dhinteen, iyadoo uu ninkani magaalada iska lugaynayey isagoo fallaaraha ku ganaya dadka oo uu qaarkood dukaan ku diley, iyadoo ay booliisku ka gaabsadeen sheegista tirada dhimatay, walow ay sheegeen inay baarayaan inuu weerarku argagixiso ahaa iyo in kale.

Weerarka ayaa saameeyey meelo badan oo ka tirsan Kongsberg, oo ah magaalo qaadda 28,000 oo qofood kuna taalla koonfur bari Norway, islamarkaana 66km koonfur galbeed uga beegan Oslo.

Weerarkan oo dhacay 6:30 pm ayaa ninka la geeyey la qabtay 20 daqiiqadood kaddib waxaana loo dhigay Drammen oo ah magaalo u dhow Kongsberg.

TV2 ayaa sheegay in ninku uu sidoo kale watey middi iyo hub kale.

Hadalsame Media