“Maxkamaddu wax sharci ah uma cuskan dhulka ay Kenya u xugmisay!” – Garsoore Cabdiqawi oo qoraal soo saaray

0

(Hague) 13 Okt 2021 – Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka horyimid go’aankii ay shalay riddey Maxkamadda ICJ, kaasoo ay dhul badan oo Somalia leedahay ku siisay Kenya.

Qoraalka oo aad u dheer waxaan kasoo qaadanaynaa nuxurka:

Wuxuu sheegay in Maxkamaddu aysan xaquuq sharci ah u lahayn inay iska samayso xarriijin cusub iyada oo aan ku larin sabab sharci ah.

Sidoo kale, wuxuu xusay in duruufaha ay Maxkamaddu eegtay ay ku jirto heshiiska ay horay u wada galeen Kenya iyo Tanzania oo Kenya ku aqbashay jiitinta loolka.

“Somalia xaq looguma laha inay magdhowdo xaqa Kenya uga maqan Tanzania.” Ayuu yiri Garsoore Cabdiqawi.

Wuxuu kale oo uu Garsooruhu farta ku fiiqay in Kenya iyo Somalia uu isku sii diri doono meel ay Maxkamaddu ku sheegay “eeryada caddayska ah” oo ka samaysantay jiitinta cusub ee ay xadaynta u adeegsatey, dhanka 200nm ee ka baxsan biyaha maxalliga ah.

Dad badan ayaa soo jeediyey in DF Somalia ay codsan karto in Maxkamaddu fasirto go’aanka ay gaartey, kahor inta aan dano shakhsi lagu raadinin masiir ummadeed.

Hoos ka eeg qoraalka uu soo saaray…

Hadalsame Media