Kenyanka oo xitaa la yaabban sida sahlan ee ay Somalia u aqbashay go’aanka ICJ (3 Qodob oo laga il-duufay)

0

(Hadalsame) 13 Okt 2021 – MW Somalia ayaa xalay jeediyey khudbad uu markiiba ku aqbalayo go’aankii shalaytoole kasoo baxay Maxkamadda ICJ, balse qaabka ay khudbaddu u dhisnayd iyo aqbalitaanka degdegga ah waxaa kasoo noqday doodo badan.

1 – Maadaama tibxaha go’aanka lagu adeegsadey ay ahaayeen kuwo sharci ku dhisan, waxaa wanaagsanayd in marka hore waqti la siiyo fasiraadda go’aanka oo la hadlo kaddib marka si daqiiq ah wax loo ogaado. Waayo sida muuqata weli si buuxda dad badani warba ugama hayaan farsamada go’aanka.

2 – Maadaama Kenya loo xukumay dhul badan oo ka mid ah meeshii ay sheeganaysey waxaa fiicnayd in Somalia ay yara shuruudayso aqbalitaanka go’aanka.

3 – Aqbalitaanka deg degga ah ee Somalia kasoo yeerey, wuxuu Kenya u saamaxayaa inay sii waddo doodeedii ahayd in laga eexday, taasoo ahayd kelmad u bannaan madaxda Somalia, maadaama aysan Kenya marnaba wax sharci ah ku doodaynin oo ay waddey ”ku qabso ku qadi mayside.”

Taa biddaalkeeda, waxay khudbaddu inta badan u ekayd bandhigga guul aan weli la wada haynin, inta la hayaana aanay xitaa noo hubbanayn, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in ugu yaraan wixii haatan ka dambeeya la yara bedelo moowjadda iyo qaabka loo wajahayo go’aanka ICJ, marka ay timaaddo dhanka Somalia, muxaafid, mucaarad iyo mujtamacba.

Sida Twitter-kan hoose ka muuqata mid Kenyan ah ayaa soo qoray in uu la yaabay sida sahlan oo ay Somalia u aqbashay go’aanka maadaama dhul laga xukumay, iyadoo aan xitaa wax reeban.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media