Faahfaahin ku saabsan go’aanka Maxkamadda ICJ (Arag jaantusyada)

0

(Hague) 12 Okt 2021 – Waxaa la shaaciyey go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Badda Somalia-Kenya, kaasoo ay Somalia ku guuleysatay.

Qayb yar baase loo reebay Kenya, taasoo ka bilaabanaysa wixii ka dambeeya 12 NM oo la yiraahdo Aagga Gaarka ah ee Ganacsi (EEZ).

Maxkamadda ayaa diiidey codsi ay Somalia ku doonaysey in magdhow laga siiyo sahan iyo kalluumaysi ay Kenya muddo dheer halkaa ka waddey.

Qodobada go’aanka ICJ la cusjiyey:

Maxkamadda ICJ ayaa qaadatay qaabka xadaynta soohdin-badeedka oo ah in la raaco jiitinta xadka raacaysa (equidistant line).

Waxa ay markaas tixgalisay in ay jiraan duruufo khasbaya in xariiqa la faragaliyo “adjustment line”, taas oo ka dhigan in wax aan badnayn ay Kenya helayso, sida uu sheegay Qarreen Cali Soomaali.

Waxa ay Maxkamaddu soo bandhigtay inay wax ku go’aamisay jaantus cabbirka xadayntiisa laga bilaabayo BB 29.

ICJ ayaa sidoo kale waxay go’aamisay in aysan jirin wax heshiis hore ahaa oo ku saabsan xadayn hore oo dhexmaray Kenya & Somalia.

Kiiska ayaa khuseeya 38,000 mayl oo seddax-xagal jibbaaran ah (100,000 sq km) oo dhaca Badwaynta Hindiya, halkaasoo ay ku jiraan saliid iyo gaas.

Saddex Garsoore ayaa diiday xukunkan, halka ay ogolaadeen 11 Garsoore.

Hadalsame Media