”Ciidankeennu waxay ku jiraan diyaargarow!” – Maxay shacabka Kenyan-ku ka yiraahdeen go’aanka ICJ ee galabta la sugayo?!

0

(Nairobi) 12 Okt 2021 – Warqaadka Nation ayaa sheeko ka qoray go’aanka galabta la sugayo ee dacwadda ay Somalia la tagtay Maxkamadda ICJ ee ka dhanka ah sheegashada Kenya ee sheegashada badda Somalia.

Wargayska ayaa sheekadiisa ku sheegay in galabta go’aan laga gaarayo wax uu ku sheegay ”muran soohdimeed muddo dheer soo taagnaa (long-standing border dispute)”, tiiyoo aanu jirin muran meeshaa ka jirey kahor 2009-kii.

Haddaba, dadka Kenyan-ka ah ayaa fikrado badan ka dhiibtey arrintan waxaana kasoo qaadannay qaarkood si aan u ogaanno ra’yul caamkooda:

Joe Kariuki ”Ok haddii ICC (waa ICJ ma aha ICC) ay sidoo kale bedelaan xadka Tanzania kaddibna Zambia (dalkani badba ma laha) ilaa South Africa go’aankan waan aqbalaynaa.”

El Weliyow De Arsenal ”Joe Kariuki anigu waxaan ahay Kenyan Soomaali, balse kiiskaan waxaa ku guulaysanaysa Somalia.”

Ayub Njuguna ”Kenya waa inay isu keentaa dhamaanba dalalka uu go’aankani saamayn doono. Kaddib ayay ka hadli karaan maqaam xooggan.”

Wambui Jamleck ”Dowladda (Kenya) faraha haka qaaddo SOMALIA oo iyaguna shidaalka ha qodeen oo rakhiis hannooga iibiyeen. Maxaan ka dheefnaa saliidda TURKANA haddaba?”

Kipyegon K Maritim ”Ciidamadeenna KDF is diyaarin ayay ku jiraan haddadan aan hadlayno.”

Isaac Atuk ”Maxaad doonaysaa inay isu diyaariyaan ma qoob ka ciyaar?!!” ayuu waydiiyey mid kale oo Kenyan ah.

Bonnie La Face ”Waagii Kibaki waxay Uganda naga qaadatay jasiiradda Migingo, hadda Uhuru waxaa looga guulaysan rabaa murankii badda oo ay hananayso Somalia dagaal la degey oo aan xasilloonayn. Haddii Ruto qabsadana wax kasta ayaad waayi doontaan.”

Intaas ayaannu kasoo qaadannay aragtida dadka Kenyan-ka ah ee go’aanka galabta.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media