Bal arag jaantuskii ugu horreeyey ee isbarbardhigaya baaxadda dhulka Somalia loo xukumay iyo midka laga xukumay

0

(Hague) 12 Okt 2021 – Waxaa la shaaciyey go’aanka Maxkamadda ICJ ee Kiiska Badda Somalia-Kenya, kaasoo ay Somalia ku guuleysatay.

Qayb yar baase loo reebay Kenya, taasoo ka bilaabanaysa wixii ka dambeeya 12 NM oo la yiraahdo Aagga Gaarka ah ee Ganacsi (EEZ).

Yeelkeede, Kenya ayaa diiddan go’aanka Maxkamadda ICJ taasoo ay horayba usii sheegtay bishii Maarso oo ay si rasmi ah uga baxday dhegeysiga dacwad-afeedkii ugu dambeeyey, waloow aysan ICJ u joojinin, sida uu dhigayo Xeerka 54-aad ee Maxkamaddu.

Si kastaba, bal aannu eegno baaxadda uu la egyahay dhulka Somalia loo xukumay iyo inta laga xukumay iyadoo la raacayo qaab duruufi ah oo xeer-jabab salka ku haya.

Hadalsame Media