Siyaasi jawaab istaraatiji ah ka bixiyey halis jiritaan oo ay Soomaalidu guud ahaan wajahayso

0

(Muqdisho) 11 Okt 2021 – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ee Somalia, Cabdiraxmaan Cabdishkuur, oo la weydiiyey su’aal ahayd ”maxay DF Somalia dabada u haysataa oo ugu dheggan tahay Somaliland maa sida Gobolka Soomaalida, NDF iyo Djibouti lasii daayo?

Warsame ayaa arrintaa ka bixiyey jawaabtan:

“Gobolka Soomaalida, NFD iyo Djibouti dhammaantood waxay soo eegayaan oo isku hallaynayaan waa Soomaaliya marka ay dhabta noqoto. Jabbuuti baa dowlad ah oo iyana iskuma filna,” ayuu ku bilaabay.

”Marka haddii la dhoho Somalia hadda halla sii kala jaro awooddii Soomaalida ayaa baylah sii noqoneysa, danteennu waa awoodda Soomaalida Geeska oo la mideeyo, sidaas ayaana dhiirrigelineysa rabitaanka dhallinyarada.” Ayuu raaciyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dad badan oo waxgarad ah ayaa dareensan in haddii sida ay haatan u dhisan tahay siyaasadda reeruhu ay hirgasho oo ay xaafado yar yar u googo’do ay kaliya keeni doonto Soomaalida oo ugu dambayn gasha gumaysiga dalalka deriska ah oo ka ducayn doona inay gebi ahaanba liqaan baddaa dheer ee aan ilaa iminka lahayn maskax iyo caqli lagu hanto.

Hadalsame Media