Qaabka loo wajahey muranka la geliyey badda Somalia oo muujinaysaa hal arrin oo aan loo baahnayn

0

(Hadalsame) 11 Okt 2021 – Xukunka Badda: GUUL QOF GAAR AH MISE GUUL WADAREED!

Waxa aan labadaan beri la soconnay doodaha la xariira go’aanka dacwada badda ee laga sugaaya Maxkamadda Caalamiga (ICJ). In badan baraha bulshada iyo warbaahinta waxaa lagu lafa gurayaa cidda qaadaneysa guusha la filaayo in ay hananto Soomaaliya.

Dooddu ma taagna in guusha la siiyo Soomaaliya iyo Soomalida ee waxaa la isku haystaa, siyaasigee ama kooxdee ayaa mudan in loo qiro dedaalkeedii la xariirtay dacwada badda. Waxaan u arkaa arrin nasiib xumo ah in markasta guul iyo guuldarro qof ama koox lala raadiyo, iyadoo ay guusha ama guuldarrada noqon karta wax la wada wadaago.

Waxaan u baahannahay in wacyigeena ka waynaado qof ama shaqsi oo aan u fikirno heer bulsho, sidoo kalena aan mararka qaar yeelanno wax na wada kulmiyo,muxaafid iyo mucaarad.

Kiiska badda wuxuu ahaa kiis ummadeed, saas daraadeed guusha waa inay noqotaa guul ummadeed oo aysan noqonin guul qof gaar ah xabadka u qaraacdo. Siyaasiyiinta iyo madaxda soomaaliyeed waxaan ugu fadhinnaa in aysan guusha kala jiidanin oo ay ummada mar lee tusaan midnimo, una jiheeyaan qaab wanaagsan.

Waxaan ku daalnay dagaal siyaasadeedkiina oo aan dhamaadka lahayn, keenay xitaa in aysan jirin qodob danaha guud ah oo idiin mideeya. Taasi waxay bulshada u keeni kartaa in ay idinka aamin baxaan,rajo xumina ku riddo.

Waxaan dhammaan madaxda iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed usoo jeedin lahaa in guusha la kala jiidanin, una qaataan guusha la filaayo in ay tahay mid  WADAREED. Xitaa haddii ay noqota in guusha qayb ahaan loo nisbeeyo madaxdii dalka soo martay, waxaan shaki ku jirin in mas’uul kasta kaalintiisa intuu awooday kasoo gaystay kiiska badda.

Anigu waxaan ku jiraa dadka aaminsan inaysan jirin qof si ku talo gal ah doonaya inuu dalkiisa taako ka mid ah u bixiyo. Markasta waxaa habboon in malaha la isku wanaajiyo, oo aan qaab siyaasadeysan la isku fool xumeynin.

Waxa aan ka bulsho ahaan siyaasiyiinta ugu fadhinnaa in is hardinkooda aan dhamaadka lahayn lasoo galin guusha iyo farxadda aan fileyno maalmaha soo socda.

W; Q: Inj. Maxamuud Xassan Cumar

Hadalsame Media