Maxaa la gudboon Soomaalida joogta Kenya marka berri la rido xukunka Maxkamadda ICJ?! – Dhegeyso culumo hadashay

0

(Nairobi) 11 Okt 2021 – Culumada Kenya oo ugu baaqay Soomaalida ku dhaqan dalkaasi in aysan u dabaal degin haddii maxkamadda caddaalada adduunka ay Soomaaliya u xukunto dhul badeedka la isku haysto.

Sheekh Aadan Yuunis oo BBC-da u waramay ayaa ka dhawaajiyey in Soomaalida Kenya ay meel fog wax ka eegaan oo aysan muujin farxaddooda, maadaama ay taas dhibaato kasoo gaari karto.

Sheekh Yuunis ayaa ku baaqay in la eego masaalixda Soomaalida ka taalla Kenya oo aan la samaynin wax is muujin ah guul & guuldarraba, sida uu qabo.

Dadka Soomaaliyeed oo arrintan ka fal-celiyey ayaa badankoodu u guuxey ra’yigan halka ay qaar kale dhaliileen.

Halkan ka dhegeyso

Hadalsame Media