XOG: Qorshe uu Farmaajo wado haddii ay lacalla Somalia ku guulaysato kiiska ICJ oo diidmo la kulmaya

0

(Hadalsame) 10 Okt 2021 – Salaaso, 12ka Oktoobar, sida qorshuhu yahay ummadda Soomaaliyeed waxa ay u dabaaldegi doonaan guul taariikhi ah.

Soomaaliya waxa ay fagaare caalami ah uga adkaan doontaa damacii Kenya ee ahaa in qeyb ka mid ah Baddeena ku boobto.

Warar hoose oo xog-warran ah, ayaa tebinaya in Madaxweyne Maxamed Farmaajo qorsheenayo in dabaal dagga guusha noqdo mid loo MIDEYSAN YAHAY oo ay Dowladda, mucaaradka iyo shacabkaba si isku mid ah ugu damaashaadaan arrintaas.

Hase yeeshee, waxaa laga soo warinayaa dhinaca mucaaradka in xubno ka mid ah aysan rabin in ay aqbalaan dalabka MD Farmaajo halka qaar kalena aysan dhib u arkin ka qeybgalka xafladaas.

Hadaba, qormadan kooban waxaan ku eegi doonaa macnaha ku jira dalabka Farmaajo, waxyaabaha ay ku diidan yihiin xubnaha ka midka ah mucaaradka ama Midowga Musharixiinta iyo waxa la gudboon xubnahaas in ay sameeyaan.

Qorshaha Farmaajo waxaan u kala qaadayaa laba:

1 – Niyad wanaag

2 – Mid siyaasadeed

Haddii MD Farmaajo niyad wanaag ka tahay in si mideysan loo soo dhaweeyo guusha, ma jirto sabab ay ku diidaan mucaaradka in ay ka qeybgalaan, waayo, marka laga yimaado kursi kala riixashada iyo siyaasadda lagu kala aragti duwan yahay, waxaa jira aas aasiyaad ay waajib tahay in laga mideys naado sida danaha qaranka iyo difaaciisa.

Siyaasad?

Haddii Farmaajo uu arrintaas ka leeyaay siyaasad oo uu doonayo in uu dhibco ku helo, ku xarakeeyo mucaaradka ama sida marar badan looga bartay uu meelaha la’isugu yimaado hadallo siyaasadeed oo durniin u badan la imaanayo, waa sax in ay ka joogaan xubnaha walaaca ka qaba xafladaas.

Maxaa la gudboon mucaaradka?

Midowga Musharixiinta waxaa loo gudbiyey casumaad, ajandaha waa la socdaan oo waa u dabaal dagidda maalinta taariikhiga ah ee lagu dhawaaqayo natiijada kiiska Badda oo la sugayo guul.

Laba mid ayaa la gudboon, 1, in ay niyad wanaag la yimaadaan oo ay aqbalaan casumaadda madaxweynaha, 2, in ay waydiiyaan qaabka xafladdu u dhaceyso una gudbiyaan shuruudaha ay rabaan iyo walaaca ay qabaan.

Ugu dambeyn, qabsoomidda xafladaas laba MACNO oo weyn ayaa ku jira, 1, Kenya cadaadis ayuu ku noqon doonaa oo waxa ay ogaan doonaan in Soomaali u mideysan tahay arrintan oo aysan igu soo orod ahayn, 2, waxaa hoos u dhici doona xiisadda siyaasadeed ee dalka oo waxaa ku jirta fursad ah in Farmaajo iyo mucaaradka oo aan isu calool fiyoobeen in ay halkaas laabta isku galiyaan, isugu soo dhawaadaan, isku cafiyaan, dalkana doorasho si toos ah ugu jiheysto.

Halaga faa’iideysto fursadaas oo SAWIRKA guud hala fiiriyo.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media