Turkiga oo sameeyey hub u shaqayn kara daroon ahaan iyo daroon dile ahaan labadaba + Sawirro

0

(Ankara) 10 Okt 2021 – Turkey ayaa dhowaan tijaabinaya qalab casri ah oo mar u shaqayn kara sida daroonka marna daroonka laftiisa la dagaallami kara, isagoo leh awood awood uu ku arki karo daroonnada kuna burburin karo.

Agabkan oo ay dhiseen shirkadaha Havelsan iyo Transvaro, ayaa haatan loo sameeyey inuu daroonnada dilo, balse wuxuu leeyahay muuqaallo u saamaxaya inuu daroon ahaan u shaqeeyo, maadaama uu isagu is wado, sida uu sheegay Güray Ali Canlı, oo ka tirsan Guddiga Maamul ee Transvaro.

Agabkan oo ah gantaal Fedai la yiraahdo isla markaana madaxyada laga bedeli karo ayaa sidoo kale loo adeegsan karaa in taangiyada lagu dilo, daafaca efenteriga iyo sidoo kale in lagu xiro gawaarida dagaalka.

Agabkan ayaa dhamaadka bishan lagu tijaabin doonaa soo ridista daroon rasmi ah, waana gantaal leh hannaanka UAV oo ay gebi ahaanba dhiseen injineerro Turkish ah, isagoo wax ka tari doona daroonnada gaar ahaan kuwa raxanta ah (swarm drones).

Hadalsame Media