(Hadalsame) 10 Okt 2021 – MW hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa bixiyey saadaal ku saabsan in aan kor iyo hoosba MW cusub ”la caleemo saari doonin” kahor 8-da Febraayo 2023-ka, haddii aan doorashooyinka Aqalka Hoose lasoo afjarin kahor Oktoobar 2022-ka.
Waare ayaa intaa raaciyay in ay waqti dhan 2-3 bilood cuni doonaan muranno la hor gayn doono maxkamado aan markii horeba ficliyan u jirin dadkana uu waqti uga lumi doono go’aammadooda.
”Faraamjo wuxuu doonayaa inuu dib u maro helitaanka labadii sano ee uu doonayey, isagoo ka tegi doona qaran qaybsan, qaraarsan, isla markaana jajaban (haddiiba aan dagaal dhicin).” ayuu Waare kusoo qoray Twitter-kiisa.
Wuxuu Waare si taa looga fursado usoo jeediyey madaxda Maamul-goboleedyada inay ku dhaqsadaan qabashada doorashooyinka inta ay goori goor tahay.
Hadalsame Media