Qaar ka tirsan madaxda NISA oo lagu eedeeyey inay ”xagal-daacinayaan” baarista kiiska Ikraan Tahliil

0

(Muqdisho) 10 Okt 2021 – Baaritaanka lagu wado khaarajinta la tuhunsan yahay in loo gaystey Ikraan Tahliil ayaa la sheegayaa inaysan waxba kasoo bixi doonin, maadaama ay NISA hortaagan tahay geeddi-socodka baarista.

Xil. Aamina Maxamed Cabdi ayaa ku doodday in howlwadeenno NISA ka tirsani ay wiiqayaan ama xagal-daacin ku wadaan in la helo raadka dadkii waday ee misna ay dhici karto inay khaarajiyeen.

Aamina, oo qaraabo la ah gabadha maqan ayaa sheegtay in ninka uu Farmaajo, oo la dareemayo inuu kiiskan u raad gadayo, u magacaabay Agaasinka NISA ee Yaasiin Fareey, uu ka mid yahay ”dadka kiiska hor taagan.”

Kiiska Ikraan Tahliil oo haatan 3 bilood ka gudbey isla markaana ay mar kale ka muuqato tayo xumada hoggaamineed ee madaxda sare ee uu waqtigu ka dhamaaday, ayaa keentay khilaaf siyaasadeed oo weli taagan kaasoo u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Warka Ikraan ayaa soo ban-baxay bartamihii Luulyo tiiyoo ay jirto in la waayey 26-kii Juun, taasoo aad u muujinaysa in aan loola xaalin si daacadnimo iyo dadnimo ku dheehan tahay, marka ay timaado xitaa xallinta waynta gabadha.

Hadalsame Media