Muno Sharmaan oo la qiray doorkii cuslaa ee ay ku lahayd dacwadda badda ee Somalia (Hadda maxay qabataa?)

0

(Hadalsame) 10 Okt 2021 – Muno al-Sharman, waa gabar sharciyaqaan ah oo Soomaaliyeed. Waxey degantahay Mareykanka. Waxey dhexda u xiratey intii ay socotey dacwada Badda Somalia iyo Kenya.

Waliba waxey ahayd qofkii qabtey Qareeno sar sare si dowladda Somalia kiiskeeda ay dad culusi u galaan.

Warbixinta aan gacanta ku hayo ayaan ku ogaadey inay ahayd “Laf-Dhabarka” Dacwadan oo soo socotey wax ka badan 6 Sano.

Muno al-Sharmaan, hadda waxey la shaqeeysaa Bangiga Adduunka xaruntiisa Washington D.C Waan raadiyey dhowr jeer intii aan wadey warbixintan aan gacanta ku hayo maadaama ay ahayd qof muhiim u ahaa dacwada badda Somalia, Waanse waayey.

Kaalinteeda Mug iyo Miisaan inay lahayd waxan ka gartey dadkii aan warbixintan ku wareystey oo qofkasto ii sheegay inay dadaal dheeri ah galisey dacwada xagga sharciga ee Muranka Badda Somalia iyo Kenya.

Waxa xusid muddan in Muno aysan hadda ka mid ahayn Team-ka Somalia taniyo wakhtii kan ka horeyey ayna ka hartey dacwada.

Waxaa Qoray: Sahra Cabdi

Hadalsame Media